Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo sheegay in ay qabsadeen degaanka Awdiinle

May 10, 2013 - Written by Editor

Baydhabo4Baydhabo:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo taageeraya ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km waxayna ciidamada huwanta ay ka sameysteen xarun ciidan.

Deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa dhowr jeer horay u qabasday ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waloow ay markii danbe isaga soo baxeen.

Ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa isaga baxay degaanka Awdiinle inta aysan soo gaarin ciidamadaan AMISOM iyo kuwa Dowlada federaalka ee Soomaaliya.Ciidanka AMISOM iyo ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa usbuucii hore waxaa ay sheegeen in ay qabsadeen lana wareegeen deegaanka Goof-gaduud

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in degaano dhowr ah oo ka tirisan Gobollada Bay iyo Bakool ay qabsadeen ururka Al-Shabaab

Ilaa hadda ma jiraan masuuliyiin ka tisran ururka Al-shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheegteen ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowllada Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online