Ciidanka DFS oo howlgalo ka wada maalintii Labaad magaalada Muqdisho

May 1, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidanka DFS ayaa maalintii labaad ka wada magaalada Muqdisho howlgalo lagu sugayo amaanka waxaana ay ciidanaka hakad galiyeen isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga Degmooyinka gobalka Banaadir.

Ciidamada DFS oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka aroortii  kula jarmaaday howlgalo iyo baaritaano degmooyinka Hodan, Hawl Wadaag, Wardhiigley iyo Degmada Kaaraan iyaga oo guri guri u galay.

Waxaa sidoo kale oo gabi ahaan xiran maanta wadooyinka waaweyn oo ay aad u isticmaalaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS gaar ahaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo Jidka wadnaha

Dadweyna ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn ku yeeshay howlgalada ka socda maalintii labaad magaalada Muqdisho waxaana kala xiran xaafadaha qaarkood kuwaas oo aan la isku gudbi karin .

Ciidanka DFS ayaa aad u baaraya gawaarida sida gaar ah loo leeyahay iyo kuwa BL-ka iyaga oo ka cabsi qaba in qaraxyo loo adeegsado gawaari laguna weeraro xarumaha muhiimka ah ee ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in howlgalada ay ciidanka DFS ka wadaan magaalada Muqdisho lagu xaqiijinayo amaanka ,wuxuuna uu sheegay in ciidanka uu sii wadi doono howlagalada ka socda magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online