Culuma,udiin ka tirsan hay,da Al-Bayaan ayaa socdaal dacwadeed ku tagay Limpopo

May 4, 2013 - Written by Editor

eid_jamaatLimpopo:-Gobolka limpopo ee dalkan koonfur afrika waxaa uu ka mid yahay gobolada sagaalka ah ee dalkan, waana gobol xuduud la leh wadamo kale sida MUSAMBIK, ZIMBABWE, BOTSWANA, waana gobol caan ku ah beeeraha, waxaa gobolkaasi degan soomaali badan oo ka shaqaysta ha ahaadeen magaalooyinka ama locationada, soomaalida waxay kaloo u shaqeeyaan hindida qaarkood, waxaana gobolkaas u ah caasimad magaalada POLAKWNE,

Waxaan noo suurtagashay in habeenkii talaadada oo ay bisha ahayd 30/04/2013, 08da fiidnimo aan ku aadno safar dacwadeed gobolka LIMPOPO, safarkaas oo sii qorsheesnaa waxaa safarka igu weheliyay SALAX DHEEL oo ii ahaa darawal waxaan habeenkii seexanay magaalada caasimada EE POLAKWNE,waxana nagu soo dhaweeyay magaalada SHEEKH SHARIIF ABUUKAR AFEEY oo ah xubin ka mid ah golaha shuurada ee MAJLISKA ALBAYAAN, sheekha iyo wadaad kale oo asagana ku sugnaa magaalada caasimada oo la yiraahdo CISMAAN ayaana horay noo sii raacay aroortii arbacada ahayd anagoo ka bilaabnay safarkanaga dacwadeedka magaalada THOHOYANDOU, oo ah magaalo ka mid ah magaalooyinka gobolka, waxaan kulan gaar ah la yeelanay odayaasha, ducaada iyo wax garad kale bacdal duhurkii arbacada, ka dibna waxaan kalimad u jeedinay ka hor casarkii dadkii soomaalida ee magaalada, waxaana aan ka ambabaxnay casarkii ka dib, waxaana aan maqribkii ku tukanay, TZANEEN oo ayadana ay soomaalida deganyihiin, bacdal cishihii ayaan la kulanay odayaashii iyo ducaadii iyo waxgaradkii kale anagoo kalimad u jeeedinay dhamaan dadkii yimid kulankaas, habeenkaas waxaan barinay TZANEEN,

Waxaana aan u ambabaxnay subaxdii 9ka aroornimo GIYANI oo ah magaalo kale oo ka mid ah gobolka, waxaana an ku tukanay magaalada, bacdal maqribkii waxaana muxaadaro u jeedinay dadka soomalida oo ku sugnaa magaalada oo masjidka isugu yimid, ka dibna waxaan axwaasha iska waraysanay ducaada odayaasha iyo wax garad kale bacdal cishishii, Anagoo isla cishii ka dibna ka soo dhaqaqnay, waxaana dib aan ugu soo laabanay magaalada caasimada oo aan ku bilownay socodknaga POLAKWNE, waxaana aan muxaadaro bacdal maqribkii aan ka jeedinay masjid yar oo ay soomaalida ka dhisteen magaalada, waana magaalada kaliya ee gobolka ah ee soomaalida ay masjid iyo madaraso ay leeyihiin ka dhisan, magaalooyinka kale waxaan muxaadaraadka iyo kulamadanada ay ku qabsoomaayeen masaajida muslimka kale ee hindida ah ee wadankan degan, bacdal cishaa waxan la qaadanay kulan dheer waxgaradka iyo ducaada magaalada ayadoo si fiican looga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa dacwada magaalada iyo guud ahaan gobolka oo ay u tahay caasimad POLAKWNE, ka dib waxaan is macsamaalamaynay SHEEKH SHARIIF oo ahaa wadaadkii nagu soo wareejiyay dhamaan degmooyinkaas oo nooga haray magaalada oo uu deganaa iyo cismaan oo asagana safarka nagu wehliyay, 08da fiidnimo ayaana ka soo dhaqaajinay goboka LIMPOPO casimadiisa, waxaana aan soo gaarnay magalada JOHANNESBURG 11ka 45 fiidnimo, ayadoo aan soo galnay safar dheer.

Alxamdulillaahi waxaa si fiican noogu soo dhamaaday safark dacwadeedkii ee aan ku tagnay gobolka LIMPOPO ee dalkan koofur afriko, waxaana si wanaagsan noogu suurtagashay in ay noo qabsoontay ujeedooyinkii aan ka lahayn safarkan dacwadeed oo ahaa.

1-Barashada dadka deegaankaas jooga ee Soomaalida

2-In an soo ogaano xaaladooda guud si gaar xaaladooda dacwadeed

3- In aan kulamo gaar ah oo aan ku baraarujinayno la yeelano dadka wax garadka ah oo ay u horeeyan ducaada iyo odayaasha

4- In aan kalimaad wacdin ah aan u jeedino walaalaha soomalida ah ee ku dhaqan magalooyinkaas.

5- iyo in uu joogto noqdo calaaqaadkanaga dadka soomaalida ah ee ku nool gobolkaas dhamaan gaar ahaan ducaada

Waxaan aad ugu mahadcelinaya allah subxaanah oo noo sahlay safarkaas waliba noo suurtageliyay in uu noo sahlo in ay noo qabsoomaan ujeedooyinkii safarkaas aan ka lahayn, ka dib waxaan u mahadnaqaayaa, SHEEKH SHARIIF OO ahaa hoogaamiyihii safarkan ee gobolkan, SHEKH SHARIIF OO AH xubin golaha shuurada ee al bayaan gaar ahana matala gobolkan LIMPOPO, waxaan kaloo u mahadcelinayaa cismaan oo naga raacay gobolka caasimadiisa iyo saalax dheel oo safarka igu wehliyay johannesburg ahaana darawalkii gaarigii aan wadanay, waxaan kaloo mahad balaaran u celinaynaa dhamaan odayaashii, waxgaradkii, culimadii, ganacstadii nagu soo dhawaysay gobolka oo runtii si wayn isugu xil qaamay soo dhawayntanada iyo in ay dhagaystaan muxaadraadkanaga iyo tashiigii aan samaynaynay.

Waxaa soo abaabulay safar dacwadeedkan, xafiiska dacwada al bayaan qaybteeda JOHANNESBURG oo ay hoos imadaan gobolo badan oo limpopo ka mid Tahay.

WAXAA DIYAARIYAY 

MAXAMED AADAN C/LLE 

MADAXA DACWADA ALBAYAAN 

EE JOHANNESBURG

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online