Diyaarad nooca wax basaasa ah oo ku soo dhacday Duleedka Deegaanka Buulo-Mareer

May 28, 2013 - Written by Editor

diyaaradMarka:-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca wax basaas ah ay ku soo dhacaday maanta duleedka degmada Buulo-Mareer. Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay diyaaraddu ku dhacday deegaanka Buulo Mareer oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in laga yaabo in iyagu rideen diyaarada.

Diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha wadin ayaa waxay aad ugu soo bateen dalka Soomaaliya iyada oo xitaa lagu arkayo deegaano ka fog goobaha ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Illaa iyo hada ma cada halka  laga leeyahay diyaaradan ku dhacday saaka duleedka degmada Buulo-Mareer balse waxaa inta badan adeegsada diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ciidamada dalka Mareykanka iyaga oo ku dilay gudaha Soomaaliya Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Qaacida Sida Saalix Nabhaan iyo Bilaal Birjaawi alaha u naxariistee.

Deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalkii ay ciidanka Faransiiska rabeen in ay ku soo furtaan saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalkooda oo ay heysteen Al-Shabaab taas oo ay ku Fashilmeen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online