Dowlada South Korea oo Safiir u soo magacaawday Soomaaliya

May 16, 2013 - Written by Editor

IMG_7998Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku soo dhaweeyay Safiirka cusub ay dowladda South Korea u soo magaacwday Soomaaliya Mudane Kim Chan-Woo si  uu ugudbiyo warqadaha aqoonsinga ee Safiirnimo.Waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweynaha Wasiir ku Xigeenka Arimaha Dibadda Mudane Jamal Barrow

Safiirka Cusub oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Madaxtooyadda ayaa kulan gaaban la qaatay Madaxweynaha. Waxaana war bixin laga siiyay Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya iyo in laga sugayo dowladda South Korea in ay ka qeyb qaadato dib-u dhiska dalka.” Amniga ayaa noogu muhiimsan horumar badana waan ka gaarnay dhanka amniga. Waxaan u baahanahay in aan sii wadno horumarinta amniga. Dal kaligii kasoo baxay bur-bur ma jiro ayada oon beesha caalamka saacidin.”  Sidaa waxaa yiri madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

“Dowladda Soomaaliya mar walba diyaar ayey idiin tahay. Waxaa naga go’an in aan xiriirkeena ku aadan South Korea aan wanaajino.”

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo gaba-gabeeyay “ Faqriga ayaa wuxuu aas aas u yahay xag-jirnimadda wax badan waan qabanay, laakin weli Soomaaliya waxey u baahan tahay kaalmo xagga dibadda ah.” Madaxweynaha ayaa wuxuu ku celiyay in Lixda Tiir ay muhiim yihiin madaama amniga,cadaaladda, dhaqaalaha shacabka, iyo horumarka dalka uu xooga saarayo.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online