Dowllada Federaalka ah oo ka soo horjeesatey doorashadii Madaxweynaha ee Jubaland.[War-saxaafadeed]

May 16, 2013 - Written by Editor

AxmediyosaacidMuqdisho:-Ayadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ee qeexaya qaab-dhismeedka dawlad-goboleedyada dalka ee nidaamka federaaliga ah. Lana dhawrayo geedi socodka dawladaynta ee uu qeexayo Dastuurka Fedaraalaynta Qodobkiisa 49 aad. Ayadoo lagu guda jiro dhamaystirka go’aankii dawladdaha urur goboleedka IGAD ee shirkii Addis Ababa Maajo 3, ee lagu go’aansaday in guddi dhiirigalin oo ka socda wadamada IGAD loo diro magaalada Kismaayo.

Ayadoo la tixgalinayo rabitaanka rasmiga ah ee shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Isla markaana laga taxadarayo xasiloonida iyo dib-u-xoreynta deegaanadada weli gacanta ugu jira kooxaha nabad-diidka ah.

Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay sida loo jaah-wareershay masiirka hogaan ee shacabka Jubooyin ka iyo in Kismaayo looga dhawaaqo labo madaxweyne 15 Maajo 2013. Sidaas daraadeed dawladdu waxay caddeynaysaa inaysan suurto gal u ahayn inay labo madaxweyne u aqoonsato maamulka Jubbaland.

Dawladdu waxay mar kale caddeynaysaa inay soo dhawaynayso dhismaha maamul goboleedyada ku yimaada qaabka sharciga waafaqsan kuna dhisan rabitaanka iyo midnimada shacabka deegaanka.Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xoojinaysaa hawsha Guddiga Labada Golle ee loo xilsaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka. Waxayna maamulada degmooyinka, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo wax- garadka deegaanka ugu baaqaysaa inay si buuxda la shaqeeyaan gudigaas dawliga ah.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la illaaliyo xasiloonida, lagana dheeraado wax kasta oo caqabad ku noqon kara amniga iyo dib-u xoreynta dalka, iyo in loo hogaansamo sharciga dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online