Dowro maanta loo qabtay Macalimiinta Qu,aanka ee magaalada Johannesburg

May 12, 2013 - Written by Editor

DSC04417Johannesburg:-Waxaa maanta oo bisha ahayd 12/05/13 lagu qabtay magaalada Johannesburg dalka koofur afrika dowro loo qabtay macalimiinta qur,aanka ee magaalada, dowradaas oo lagu qabtay MARKAZKA AL BAYAAN ee Johannesburg, dowradaas oo loogu talagalay kor u qaadida aqoonta iyo wacyiga macalimka ayaa waxaa laga soo jeediyay 5 dersi oo aad muhim u ahaa,

1/  taariikhda saxwada soomaaliya, oo uu soo jeediyay SH. MAXAMED AADAN C/LLE

2/ xidhiidhka u dhexeeya macalimka iyo ardayga, oo uu soo jeediyay USTAAD JAAMACA BASHIIR

3/ ahlu qur,aanka ayagaa ah dadkii allah iyo khaasadiisa, oo uu soo jeediyay SH. C/RISAAQ MOWLANAA

4/ wada shaqaynta wadareed (team work) oo uu soo jeediyay SH. AXMED MAXMUD CABDI (AXMED DHEERE)

5/ mas,uuliyada macalimka, oo uu soo jeediyay USTAAD JAAMAC BASHIIR

Duruusta oo inta badan ku baxaysay project ayaa si wayn ay uga faa,iidaysteen macalimiinta, ayagoo su,aalo badan waydiiyay macalimiinta daruusta qaar ka mid ah markii ay dhamadeen, macalimiinta soo xaadirtay ayaa waxay isugu jireen macaliimiin gabdho ah iyo macalimiin rag ah oo ka ah macalimiin dugsiyada qur,aanka ee magaalada.

Dowrada noocan oo kala ah oo loo qabtay macalimiinta ayaa ah markii ugu horaysay, waxaana dowradaan soo qabanqaabiyay MAKTABKA DACWADA AL BAYAAN EE GOBOLKA GAUTENG(JOHANNESBURG)

Ayagoo ugu danbaystii balanqaaday in dowraadka noocan oo kale oo kor loogu qaadaayo aqoonta macaliimta la badin doono hadii allah yiraahdo.

 

WAXAA DIYAARIYAY

MAXAMED AADAN C/LLE

MADAXA DACWADA AL BAYAAN

EE GOBOLKA GAUTENG( JOHANNESBURG)

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online