Dufcadii Afraad oo ka qalinjabisa Machadka Al-furqaan Ee Degmada Xudun.[Cod& sawiro]

May 24, 2013 - Written by Editor

DSC09643Xudun:Bulshada ku nool Gobollada  Sool & Sanaag Cayn ayaa dhawaanahaan danbe waxaa ay noqdeen gobollada dalka Soomaaliya ugu horeeya barshada dhinac diinta islaamka haddaba Magaalada Xudun oo haatan ku jirta Xaalad middii ugu adkeyd abid soomartay ayaa waxaa halkaas ku yaal Machad diiniya. Machadkaan ayaa waxa ka qalin jabisay Arday wax kabarata dhinac shareecada diinta islaam ka Arday daan oo ah kuwo aad u yar yar kuwaas oo labaray Aqoon aad u qiimo badan taas oo ay ku tabceen Macalimiinta iyo waalidiinta dufcadaan ayaa waxaa ay tahay middii 2aad ee kabaxda Machadka oo tiradoodu gaadhayso ilaa 60 Arday.

no images were found

Xaflada qalin jabinta Ardayda ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Machadka ,Odayaasha deegaanka degmada Xudun iyo weliba aqoonyahano ku dheeraaday qiimaha waxbarshada  Dhinac diinta ay leedahay. Odayaasha  iyo waxgaradka degmada Xudun ayaa waxaa  ay mahad balaaran u soo jeediyeen Xaaji C\naasir Cali dheere oo ah Ganacsade ka soo jeeda Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn iyadoo sidoo  kale uu socdo Dhismihii Machadka ee uu ku deeqay Xaaji C\naasir Cali Dheere.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlay culimo, ducaad, iyo maamulka Machadka iyagoo ugu baaqay Jaaliyaadka dibada in ay ka qayb qaataan siddii machadka  dhismihiisa loo dhamaystiri lahaa iyo in ay gacan u soo fidiyaan  Goobaha waxbarashada si kor loogu qaado aqoonta dhinac diinta iyo mid kaleba dhalinta yar yar ee soo koraysa.

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/7dk33t7yc3/machadka_allfurqaan_xudun_iyo_qalinjabintii_dufcada_2_baad.mp3″] ama Halkaan ka rogo

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online