Gudoomiyaha Baarlamaanka ma laha Bogaga Lagu Sameystay Magaciisa Waana Been Abuur

May 29, 2013 - Written by Editor

Prof-JawaariMuqdisho:-Mudooyinkan dambe waxaa si aad ah ugusoo badanayey baraha internetka gaar ahaanna baraha ay Bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo Twitter shaqsiyaad iyagu adeegsanaya magacyada madaxda sare ee Dalka si gaar ahna shaqsi barta Twitterka ka sameystay bog uu ku sheegay inuu leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo bogaasina ka sakoow xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka loo isticmaalay Sawirkiisa.

Hadaba Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxey u cadeeyneeysaa islamarkaana la socod siineeynaa shacbiga Soomaaliyeed
guud ahaan si gaar ahna bahda Warbaahinta in bogga:- https://twitter.com/Somali_Speaker uusan laheyn bog uu leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee qofka magaca Gudoomiyaha iyo Sawirka adeegsanaya uu ka been abuuranayo.

Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa bahdii Warbaahinta ee iyagu dhowray shuruucda saxaafadda islamarkaana markii ay arkeen warar
boggaasi lagu daabacay nala soo xiriiray ayaga oo xaqiijinayey in warkaasi uu yahay war rasmi ah oo Gudoomiyaha kasoo baxay iyo inkale,
sidoo kalena warbaahintii boggaasi wararka ka xigatay islamarkaana ayaga oo aanan sameyn wax hubin ah daabacay wararkaasi looga abuurtay
Gudoomiyaha Baarlamaanka.

—-DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online