Haweeney xirneyd walxaha qarxa oo lagu qabtay Jaamacadda magaalada Kismaayo

May 1, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Waxaa saaka ciidanka amniga ee magaalada Kismaayo ee ka amar qaata maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ay ku qabteen  gudaha magaalada Kismaayo  haweenay  xirnayd walxaha qarxa  iyadoo rabtay in ay isku qarxiso xarunta Jaamacadda Kismaayo ee uu ka socday shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidanka amniga ee Kismaayo ayaa markii ay qabteen haweenaydaan waxaa ay ka fureen walxihii qarxayey ee ku xirnaa sidda uu saxaafada u sheegay Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada  Kismaayo Cabdinaasir Seeraar. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka amniga iyo kuwa AMISOM ay
ku guulaysteen  in ay qabtaan haweenaydaanka dib markii ay baaritaan ku sameeyeen.

Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in haweenaydaan ay Maxkamada soo taagi doonaa sidda ugu dhaqso badan , waa markii 2aad oo qof dumar ah ay sheegaan Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo in ay u qab teen in ay fulin lahayd qarax  ama weerar is qarxin ah oo ay la beegsanayso xarunta Jaamacadda oo uu ka socdo shir.

Cabdi Yare
Kismaayo

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online