Iko Matata – dhib ayaa jirta – W/Q: Burhaan Axmed Maxamed

May 1, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Nairobi:-Qof waliba oo Muslim ah marka uu maqlo Erayga Mujaahid waxa ku soo dhaca Qalbigiisa tilmaamaha wanaagsan ee uu leeyahay Qof walba oo Mujaahid ah tilmaamahaas waxaa kamid ah

• In uu yahay hadafka Mujaahidku u qaatay Qorega hirgalinta ama ku dhaqanka shareecada Islaamka sidaas darteed ay waajib ku tahay in uu ka bilaabo naftiisa, hadii aysan ku sifoobin Mujaahiduuntu tilmaantan ah ku dhaqanka shareecada, jihaadkoodu waxa uu noqonayaa halbacaad lagu lisay ama waxba kama jirana.

• U dhimrinta iyo u turida Shacabaka Muslimka ah sidaas darteed naftooda waxa ay ka hormariyaan midda walaalahooda Muslimka ah, laakin geeridaa oo raagta Geel dhalaaya ayey ku tustaaye Mujaahidiinta maanta ka jira Soomaaliya waxaa ay leeyihiin Tilmaamo aysan yeelan Mooryaantii ka jirtay Soomaaliya 22 sano ee burburka. Tilmaamaha aan hoos ku sheegi doono waxa ay ku qoran yihiin Qoraal cabasho ah oo uu qoray nin ladhaho ZUBAYR oo ah AJNABI kuna nool Soomaaliya ilaa xiligii maxaakimta , waxa uu xubin kayahay Gudiga wadatashiga ee Xarakada Al-Shabaab , sidoo kale waxa uu madax u ahaa Maxkamada Islaamiga ah ee Al-Shaabaab , waxa uu dhexdhexaadiyey khilaafka u dhexeeya labada garab ee hada is haya oo kala ah .

1: Mukhtaar robow Fu’aad Shangole iyo Ibrahim Afqaan oo dhinac ah
2: Ahmed Godane iyo amniyaadkiisa oo dhinac ah, sidaas darteed warka uu sheegay Ninkani waa war biyo kama dhibcaan oo kayimid gudaha Al- SHABAAB.

Zubayr ayaa soo qoray qormo uu ugu magac daray IKO MATATA oo macnaheedu yahay dhib ayaa jirta, qoraalkani waxa uu daba joogay baaq mar hore kasoo yeeray afhayeenka Al-Shabaab oo uu ugu magacdaray (karibu Somalia hakuna matata)

Hadaba muxuu sheegay ZUBAYR ??

Zubayr waxa uu ku sheegay Qoraalkiisa cabasho farabadan oo uu kacabanayo Ciidamada ina Godane waxaana kamid ah cabashadiisa:- 1: In nin kamid ah muhaajiriinta ka jihaadaya Soomaaliya uu aaday furinta Dagaalka Xaaskiisina uu ugatagay Ciidamada Amniyaadka, intaas kadib waxaa dhacay in Xaaaskii mujaahidka ay Amniyaadkii ina Godane kufsadeen markii ninkii uu damcay in uu maxkamada Islaamka aado si uu u dacaweeyo ninkii falkaas xun gaystay Ahmed Godane waxa uu ku amray dhibanihii in uu katanaasulo arintaas , wali mamaqasheen Mujaahid kufsaday xaaskii mujaahid kale??geeridaa oo raagta geel dhalaaya way ku tustaa .

2: Waxa uu sheegay Zubayr in Ahmed Godane uu leeyahay Maxkmad iyo Xabsiyo sir ah oo asaga gaar u ah oo Cidda Maxkamadaasi soo xukunto ayaa lagu xiraa xabsiyadaas sirta ah qaar ka mid ah Dadkii kasoo baxay Xabsiyadaas waxa ay sheegeen in loo diiday mudo 3 bari ah ay in ay suuli galaan una wayso qaataan Salaada, wali mamaqasheen Mujaahid hortaagan oo diidan in latukado?? Marka loo dhaadhiciyo xabsiga waxaa laga xiraa indhaha qolkuna waa mugdi Silsilad ayaa lagu jeebeeyaa ,Dadkii saas loo galay qaar ayaa ku dhintay xabsiyada qaar kalane way ku indha beeleen, xabsiga noocan ah ma xabsi Mujaahid baa mise waa kii Guantanamo Bay detention camp???

3: Waxaa jira Guri ladhaho Guriga martida oo ay leeyihiin Amniyaadku kuna soo dhaweeyaan Muhaajiriinta yimaada Soomaaliya, laakiin sida dhabta ah Gurigaasi waa Xabsi oo kale Muhaajiriintu waxa ay uyaqaanana Gurigaas Xabsiga soo dhawaynta.  Muhaajirku marka uu yimaado Soomaaliya waxaa lagu hayaa bilo ama sanad Dadkii kasoo cararay xabisi gurigaas waxa ay sheegeen in loo diiday:-

• In ay magaalada u baxaan loo diido

• In loo diiday isbitaalka in lageeyo marka ay xanuunsadaan.

• In loo diiday in ay laxiriiraan eheladooda

• In loo diiday in ay dhagaystaan raadiye ama ay isticmaalaan combuyuutar .

Intaas iyo in badan ayuu sheegay Zubayr hadii aad rabtid in aad ogaato faahfaahin dheeraad ah gal mawqicaan Halkaan ka eeg

Intaas ka dib waxaa is waydii mudan see bay u arkeen taageerayaasha Al- Shabaab dhacdooyinka foosha xun ee ay Mujaahidiintu samaynayaan Ilaa hadda ma hayno wax war ah oo ka soo baxay laakiin waxa ay ila tahay in xaalkoodu yahay afkii ayaa juuqda gabay, hasa ahaatee waxaan rabnaa in aan waydiiyo dhowr su’aalood:

1- Waxaad lawaareegi jirteen Shabad ay ku qorantahay Murtad iyo Jaajuus oo aad ku shabadaysaan Cid walba oo ka hortimaada AL-SHABAAB haddaba Ibraahim afqaan iyo Zubayr waxa ay ku sheegeen Al-Shabaab waxa kabadan kana khatarsan wixii Culimada ku sheegi jirtay Al-Shabaab marka ma Murtadiin baa mise waa jawaasiis ?? mise cududaar ayey leeyihiin oo waa laga qalaynayaa ?

2- Waxaad tiraahdeen ha ladilo Cid walba oo xagal daacisa Jihaadka maad noo fatwootaan in ladili karo Zubayr iyo Afqaan mise waa la jiifyaano banaan?

3- Ina Godane ilaa hadda ma uusan hadlin oo aamsuka ayuu miciin baday ma noo sheegi kartaan mawqifkiina mise xaalkiinu waa uur jiif hooyadi ku gowracan ???

4- Hadii ay cadaatay waxa kasocda Soomaaliya in aysan Jihaad ahayn ee ay tahay Burcad diineed shaati jihad loo gashay soo ma haboona in aad dib u eegtaan afkaartiina guracan ???

5- Haddii qaarkiin la jiraan qolyaha Ina Godane mucaaradsan, maxaad ku diideysaan in ciddii amiirku u arko inay Fitno ku dhex wado Mujaahidiinta la dilo? ileen fitnada markeedii hore lama xaddidine? mise waranka aad dadka kale ku tuureyseen inuu idinku soo laabanayo idin lama aheyn.

6- Madhici kartaa in uu idin saameeyo khilaafka hada ka dhextaagan AL-Shabaab oo aad adinkuna noqontaan labo garab oo kala taageersan labada garab ee hadda is haya mise cid AL-SHABAAB ka baxsan ayaa isku kiin haysa ? oo wax saamayn ah idin kuma yeelan doonto? Aniga waxa ay ila tahay in aysan wax saamayn idinku yeelan doonin sababtoo ah markii hore taageeradiinu ma ahayn Alle dartii ee waxa ay ahayd wajiyo badan ,sida xukunkiina ridda uu u ahaa mid siyaasi ah oo qabta Cidda la neceb yahay marka kalana uu noqdo la jiifyaano banaan.

W/Q: Burhaan Axmed Maxamed

deeq2002@hotmail.com

2 Comments so far

Leave a comment

  1. اسالو هذه الأسئلة كبيرهم الذي علمهم السحر

  2. Walaal alaaha haku dhowro saad diinta qalinka ugu difaacaysidna ale hakaa abaal marsho qoraalkaaga waxuu ka waramin xaqiiq iyo wax jira waxaase iila yaab badnaa mujaahid mujaahid xaaskiis kufsaday meel laga keenay waxaanse ay u qaatay kashifaad rabaani ah aloow kuwaa soo hadee hadiis hanuun la maagtay ale maxay aduunka ceeb la kulmeen,

Leave a comment

*