Ku xigeenka xoghayaha QM oo sheegay in ciidanka AMISOM looga dilay Soomaaliya 3,000 oo askari

May 10, 2013 - Written by Editor

meyd-amisomMuqdisho:-Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM Jan Eliasson ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday khasaaraha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM soo gaaray laga soo bilaabo sannadkii 2007 markaas oo ay howlgalo ka bilaabeen magaalada Muqdisho. Jan Eliasson Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi.

Jan Eliasson ayaa  yiri“Waad ka argagaxaysaa markii aad ogaato in 3,000 oo askari oo AMISOM ka tirsan ay ku dhinteen howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, askartan oo dhan waxaa la dilay intii uu howlgalku socday,” Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa haatan 17,700 kuwaaso ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone iyo Kenya.

Jan Eliasson Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay  in sidoo kale khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidanka dowlada Kenya kuwaas oo Al-Shabaab ka saaray deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyo J/hoose .

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale waxay laayeen Soomaali aad u tiro badan oo aan cidna xisaabsan .Jan Eliasson ayaa hadalka uu sheegay waxaa uu dhaqaalo ugu raadinayaa ciidamada Afrikaanka ah ee ku soo qulqulyada dalka Soomaaliya .

Cabdi Yare
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online