Maamulka Shirkadda Golis oo kulan ku yeeshay magaalada Bosaaso

May 27, 2013 - Written by Editor

golisBoosaaso:-Maamulayaasha xafiisyada shirkadda Golis ee gobolada iyo maamulka xarunta dhexe (HQ) ayaa kulan wada-tashi iyo is waraysi ah ku yeeshay magaalada Bosaaaso. kulaankaas oo looga arinsanayey kor-u-qaadidda shaqada iyo maamul wanaaga, kulankaas oo socday muddo labo maalmood ah waxaa lagu qabtey hoolka shirarka ee xarunta Shirkaadda Golis ee Bosaaso.

Kulankaas ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maareeyaha, ku xigeenka maareeyaha, madaxa hawlgelinta, qaar ka mid ah  hoggaamada iyo agaasimayaasha shirkadda.furitaankii kulankaas waxaa kelmad wacdi iyo waano ah madasha ka soo jeedshey agaasimaha waaxda sharciyada iyo wacyi-gelinta ee shirkadda Golis Sh.Faysal Xuseen Mire, asagoo ka hadlay mas’uuliyadda iyo culayska ay wadato.

Wuxuu Sh.Faysal tilmaamey in shirkadda Golis ay tahay shirkadda ugu weyn ee ka hawl gasha gobolada Puntland, isla markaana mas’uuliyadda saarani ay tahay mid culus, oo mas`uul kasta ay waajib ku tahay ilaalinta hantida ummadda. Waxaana madaxda shirkada looga baahanyahay -sida uu sheekhu sheegay- in dareenka mas’uuliyadeed oo leh xilkasnimo, feejignaan, caddaalad iyo sinnaan lagu maamulo shirkadda iyo
hantideedaba.

Waxaa kulanka si rasmi ah u furay maareeyaha guud ee shirkadda Golis Cali Xaaji Warsame oo sheegay in kulamada noocaan oo kale ah ay faa’iido u tahay shirkadda, waayo waxaa la is-dhaafsanayaa – ayuu yiri maareeyuhu- aragtiyo, fikrado, tusaalayaal xiriir la leh
maamul-wanaagga.

Maareeyaha ayaa ammaan xooggan u soo jeediyey shaqaalaha iyo maamulayaasha gobolada ee shirkadda, wuxuuna yiri ” waxaan aaminsanahay in shirkadda Golis ay ka hawl galaan dadka bulshada ugu fiican, kalsoonina waxaan ku qabaa in ay kor-u–qaadeen una qaadi doonaan sumcadda iyo waxqabadka shirkadda”.

Kalmad dheer oo uu maamulaha soo jeediyey ka dib, ayaa waxaa iyana hadalo qiimo leh ka soo jeediyey goobtaaas maareeye ku-xigeenka shirkadda Golis Siciid Aadan iyo Madaxa hawlgelinta C/laahi Cali cumar, waxaana markaas ka dib si toos ah loo guda galay ajandihii kulankii u dhexeeyey maamulayaasha goboladda iyo maamulka sare ee shirkadda Golis Talecom
Somalia.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadley arimo badan oo xiriir la leh shaqada iyo sidii loo hor-marin lahaa, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka wanaagsan ee shirkaddu leedahay. Wuxuuna ka mid yahay kulamada muhiimka ah ee shirkaddu goor walba qabsato si looga hadlo qiimaynta
waxqabadka, qorshaynta horumarka iyo xalinta caqabahada iwm.

Haddaba gebagebadii shirka markii la soo gaadhay waxaa hadal dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyey madaxa Hoggaanka gobolada C/risaaq Aw Cali oo lahaa qabanqaabada, hagitaanka iyo isku-dubaridka kulanka. Wuxuuna sheegay in kulankaas oo socdey laba casho uu ku
soo dhammaaday guul iyo is afgarad, isagoo hoggaamiyuhu u mahad celiyey dhammaan ka soo qayb galayaasha.

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online