Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray caawa magaalada Addis Ababa

May 23, 2013 - Written by Editor

xasanAddis Ababa:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu ka qeyb gali doonaaa munaasabad lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay ururka Midowga Africa.

Madaxweynaha DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona qaar ka mid ah madaxada wadamada Midowga Afrika kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabada lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Africa.

Madaxweynaha DFS ayaa lagu wadaa in uu kulanka ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uu kala hadli doono madaxda Midowga Afrika xaalada Soomaaliya iyo waxqabadka dowladiisa iyo xaalada gobalada Jubooyinka.

Warar aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Juba Land Ahmed Madoobe uu gaari doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si ay u wada kulmaan Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online