Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku soo laabtay

May 12, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo qeyb galeen shirkii London oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS ayaa Shir jaraa’id ku qabtay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana uu guul ku tilmaamay shirkii lagu qabtay magaalada London ee xarunta dalka  Britain wuxuuna u mahad celiyey dowlada Britain .

Shirka lagu qabtay magaalada London  7-dii bishan ayaa waxaa DFS loogu deeqay lacag aad u faro badan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,803 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>