Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo hortegay Golaha Baarlamaanka DFS

May 2, 2013 - Written by Editor

madaxweyneMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh.Maxamuud oo maanta hortagay Golaha baarlamaanka ee Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa khudbada uu ka jeediyey waxaa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin maamul  gobolleedyada  loo doonayo in lo sameeyo dalka soomaaliya , Shirka ka dhici doona 7 bisha May magaalada London iyo howl galada ay ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saddexdii maal mood ee la soo dhaafay ka wadeen xaafadaha magalaada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in howl galada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho lagu xoojinayo siddii loo sugi lahaa amaanka magaalada si aysan uga dhicin weeraro iyo qaraxyo  ay ururka Al-shabaab la beegsadaan xarumaha dowllada .

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa waxaa uu ku soo qaaday maamul u samaaynya Gobollaada dalka iyo shirka ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose isagoo ku nuux nuuxsaday in dowlladiisu aysan ka soo horjeedin Dastuurka dalka iyo in maamul Gobolleedyo la sameeyo balse waxaa uu ku dooday in dadka degaanka iyo dowlladu ay  isla ogyihiin maamulada la saameynayo aysan dowlladiisu ogolaan dooni maamul ku yimid hal dhinac waa sidda uu hadalka u dhigaye.

Mar uu soo hadal qaaday Madaxweynaha DFS  Xassan Shiikh shirka ka dhici doona magaalada London ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul wasaaraha dowllada Ingriiska ay hogaamin doonaa  shirka, casumaadan ay iyagu fidiyeen uuna yahay shir looga hadli doono  amniga , horumarinta dalka Soomaaliya iyo in dowllada Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigto qaabka loo soo afjari karo  dhibbaatada ka jirta Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee maanta ka soo qayb galay shirka ayaa waxaa tiradooda lagu qoyaasay ilaa 180 xildhibaan. Dhinac kale waxaa soo baxay in Puntlland iyo S/lland ayaa diideen in ay ka qayb galaan shirk aka dhici doona London iyagoo ku dooday in aysan ogayan ama laga talo gelin Ajanadaha shirka sidaas darteedna ay uga baaqsadeen.

A/cawaale
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Sidoo kale nimanka dawladda ka soo horjeddana waxay moodayaan in dhibku uu ka dhashay ciidamo shisheeye oo wadanka ku soo duulay,waxay is hilmaansiinayaan dhowr arrimood oo xaqiiqo ah:
    1- Markii somalidu isu qori qaadatay ciidan shisheeye waddanka ma joogin
    2- Xilligii ay somalidu dagaalka isku billowday 100% muslim ayay ahaayeen
    3- dadka ciidamada shisheeye soo diray waxay leeyihiin dadka somalida way heshiin waayeene ha la kala dhex galo.
    4- Koox gooniya oo inta hoosta isaga baaqday innagaa mujaahidiin ah uun tidhi oo aan madaxdooda la arkin ciidanku wada waji xiran yahay sidee wax looga fahmayaa.
    arrimahaas sow in lays warsado ma fiicnaateen

Leave a comment

*