Madaxweynaha Juba Land Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyey Madaxda DFS (Dhageyso)

May 25, 2013 - Written by Editor

Ahmed_MadoobeKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa digniin u diray madaxda DFS isaga oo sheegay in DFS ay faro galin ku heyso arimaha Kismaayo  Ahmed Madoobe ayaa ku hanjabay in waxgaradka ka soo jeediyey gobalada Jubooyinka ay u yeeran doonaan xildhibaanada ka tirsan DFS ee ka soo jeeday gobalada Jubooyinka.

Madaxweynaha Juba Land Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey madaxada DFS in ay wado abaabul ay ku dooneyso in ay iska horkeento shacabka ku nool Gobollada Jubbbooyinka iyo Gedo ka dib markii ay abaabushay rag isku magacaabay Madaxweynayaal sida uu sheegay Ahmed Madoobe wuxuuna yiri waxaan u haynaa cadeyn in dowladdu ay soo abaabushay dadka sheegtay madaxweynayaasha Jubaland lacag faro badana ay ku bixisay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga DFS u soo dirtay magaalada Kismaayo aan cidna ku soo wargalin arinkaasna uu qalad yahay wuxuu sidoo kale ku eedeeyey madaxda DFS in ciidamo ka tirsan DFS ay ku amartay in ay dagaal ka ridaan gudaha magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar oo shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay dagaal u diyaargaroobayaan haddii dowladda ay isku daydo in ay ciidamo u soo dirto magaalada  Kismaayo.

Masuuliinta DFS ayaan ilaa haatan ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyey .

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga BBC la yeelatay Madaxweynaha Juba Land Ahmed Madoobe.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/282wlkr7i7/madoobe.mp3″]

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online