Maragfur minanka dhexdiisa ah(وشهد شاهد من أهله) W/Q Sh Abdirisaaq Sugulle Mohamed

May 6, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Mahad oo dhan Allah ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo naxariisna suubanaheenii Muxamed korkiisa ha ahaato.

Intaa dabadeed.. Allaah wuxuu qur’aanka u soo dejiyay in lagu cibro qaato, oo axwaalaha nololeed ee isbadbadaalaya uu qofku ka korosado cibro iyo taloba. Suuradaha qaarkood ayaa Nabigeena Muxamed NNKH waxaa lagu soo dejiyay xilli uu marayay duruufo adag oo xagga dacwada ka haystay si loogu sabirsiiyo, loguna caddeeyo isaga iyo asxaabtiisaba in dariiqan dheer la soo wada maray, Anbiyada iyo kalkaaliyaashooduba ay soo mareen duruufo mararka qaarkood ka adkaa kuwa hadda iyaga haysta. Suuradahaasi kuwa ugu sii qiimaha badan ( iyadoo quraanka oo dhami uu qiimo badan yahay) waxaa ka mid ah Al kahfi iyo Yuusuf.

Quraanku wali waa joogaa, wuuna baaqi ahaan doonaa inta Allaah uu dunidan ka rogayo, waxaana uu sidaasi oo kale tusaalayn iyo waano noogu yahay inaga inaan ku tadaburno. Xaalka dacwo ee maanta Soomaliya ay marayso waa mid aad u adag, xilliyo kala duwana soo maray, xitaa aad moodo in xaqii iyo baadilkii is dhex jiireen , oo dadka qaarkii aadba moodo in wax kasta oo daliil ah oo lee sheego ay indhaha ka xirteen, dheagahana ka gufaysteen. Taa waxaa ka sii daran magacii diimeed oo la bililiqaystay, islamarkaana lagu xalaashaday dhiigii ummadda, taasina waxay keentay in dad aan yarayn uu shaki ka galo dadkii ehelka u ahaa diintan iyo ka shaqaynteeda. Waana barnaamij cadowga islaamku uu wato oo la doonayo in ummadan 100% muslimka ah khalkhal laga geliyo diintooda.

In badan bay culimadu ka digeen  khatarta ay kooxdan Alshabaab ee banaysatay dhiiga ummadda leeyihiin. Waxay sidoo kale muujiyeen manhajkan inxiraafku galay iyo meesha uu ku sii socdo. Rag kale oo magac culimo sheeganaya ayaa isku dayay sidoo kale in ay difaacaan, balse waxaan leenahay  Soomalidu waxay tiraahdaa ”xaglo geel wax gunti la galiyo ka weyn”, maanta ayuu Allaah ku cadeeyay raggii howshaan ku jiray afkooda, oo waa tii qisadii Nabi Yuusufba NNKh markii ay haweeyneydii boqorku roorsatay, ee ay isku dayay in ay kufsato , oo ay fashilantay, haddana isku dayday in ay dembiga dusha ka sarto, uu Allaah doonay in mid ehelkeeda ahi ku markhaati furo. Hadda Alshabaab raggii bud-dhigeeda wax ku lahaa oo qaylinaya sow tan meel walba taal.

Qoraalkii uu soo diray Ibraahim Afgaani oo ka koobnaa 15 bog ee qaylo dhaanta ah , bal aan isla eegno qodobada ugu waawayn ee ku yaala, dabadeedna qof walbaa miisan ha saro xaaladda iyo waxa dhabta ah ee nimanku ay ku sugan yihiin :-

  1. Xadiithka lagu bilaabayba warbixinta wa xadiiskii Imaarada sufahada ah e Imaamu Axmed,( tanina waxay cadaynaysa in meesha imaara kharibani ka taliso)
  2. In mirihii jihaadka gacmo shisheeye xadeen. ( taasoo cadaynaysa in gacmo shisheeye oo aan la sheegin ay howsha ku dhex jiraan)
  3. Inxiraaf daakhili ah inuu jiro
  4. Ma aanaan ahayn marnaba kuwo ku shuraakoobay dulmiga,(taasoo cadaynaysa in meesha dulmi fara badani ka socdo)
  5. Dariiqyadii xalku waa mamnuuc, sulxi ma jiro, cafwi ma jiro, maxkamadna warkeedba daa
  6. Umuurteena waxaa lagu maamulaa qaab fardi ah, oo sharciyan aanay jirin, shuura jirin, shumuuliyadna warkeedba daa
  7. Waxaa dhaca howlgalo dhibka ay islaamka u gaysanayaan ay in badan ka badan tahay nafcigooda, taasoo aan ku waynay taageeradii shacabka. ( Tanina waa mid muujinaysa howlgaladii culimada lagu dilay in ay iyagu ka danbeeyen, iyo kuwa lagu xasuuqayo shacabka masaakiinta ah, oo ay ugu danbaysay kii ka dhacay KM4 05.05.2013)
  8. Waa in waxaas dhacaya aan ka aamusnaa, qofkii hadlaana waa eedeysane
  9. In meesha howsha taalla ay tahay Maqal oo adeec kaliya
  10. 10.  Cadli la’aan, iyo in isku xukumidii Kitaabka Allaah ay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo kibir

11. Qadihii iyo xukunkiiba in si toos ah amiirka ay u hoostagaan, taasoo ah ul iyo seef ku wajahan mujaahidiinta, wixii amar ah ee dhankiisa ka soo baxana la xukmiyo

12. Xabsiyo qarsoon oo xarakadu leedahay, kii galaana waa sooma laabtaan, kii ka soo badbaadana waa dib u dhalay.

13. Albaabadii wax lagu islaaxin laha oo dhan waa xiran yihiin

14. Qof Alla iyo kii isku daya inuu wax saxo ama uu isku dayo kuna adkaysto xaqa cadayntiisa  waa u dhamaatay, waxaana loo adeegsan siyaasada loo yaqaan  dagaalka xun ( oo ah khaarijin)

15. Raggu wax qiimo ah kama lahan meesha, Dadkii khibrada lahaa, kana mid ahaa ruugcadaagii iyo kawaadirtii xarakada waa la bahdilay oo far ma qaadi karaan, markay maqan yihiina lama tabo, markay joogaana waxba lama weydiiyo

16. In culimada iyo ducaada la fogeeyo, lagana mamnuuco duruusaha, khudbadaha iyo wax qorsita ama alifidaba.

17. Duruustii diiniga ahayd oo la mamnuucay akhrintooda

18. In amiirku leeyahay culimo isaga u gaar ah ( Haddee maxaa farqi u dheexya marka isaga iyo kuwa ay qoladani 24ka saac ka hadlaan oo gaalaysiiyaan oon ula jeedo madaxda dowladaha, oo iyaguba culimo gaar ah samaystay)

19. In amiirku uu dhibsaday kana hor tagay Jihaadka oo la faafiyo lana gaarsiiyo meelaha ummaddu ku dhiban tahay sida Itoobya,Kiinya iyo qayrkood. ( Taasi soow macnaheedu mahan wax Shacabka Soomaaliyeed ee muqdisho ama koonfurta jooga loo laynayo, in aanay jihaad ahayn, waayo meelihii la haystayba ma uu ogola in la garsiiyo jihaadka, ee muxuu dhul xor ah u sii baab’bin)

20. In arinka amiirka wado sababtay rag badan oo dibadaha uga yimid in ay iyaga u gargaaraan, ay dib isaga huleeleen, sida ninkii la oran jiray Cabuud Roogo oo Mombasa lagu dilay.

21. Nidaamka iyo xeerarka xarakadu waa kuwo isla bedela hadba doonista iyo shahwaadka amiirka ( Waa cajab e maxaa lagu haystaa haddaba madaxda dowladaha islaamka, haddii amiirkooduba la mid yahay)

22. Xitaa luqadii baa meesha ku dhibaataysan, oo doonaysa wax xaqeeda u soo dhiciya. Tusaale ahaa Muhajir macnaha u yaala waa ha la xiro, mucaskarka tababarka macnaheedu waa howsha ha laga joojiyo mujaahidka, Jabhatul qitaal waxaa loola jeedaa Ciqaab iyo ganaax mujaahidka u taalla, Nasiixadiina waxay la macna noqotay khuruuj ama ka horimaansho amiirka.

Intaasi waa arimo koo-kooban oo aan ka soo qaatay waraaqdii dheereyd ee Ibraahim u diray ayman Dawaahiri, oo uu leeyahay war naga soo gaara, maalintii oo dhan waa noo feker, habeen oo dhana waa noo soo jeed. Haddaba waxaa la raba bal qof walbaa inuu si cadaalad iyo caqli ku dheehan yahay oo ka dhar la’ tacasub iyo kudayasho indhal’aan intuu ku eego uu su’aalahan ka jawaabo :-

  1. Arinka xarakada ee ka socda Soomaaliya ma jihaad baa lagu tilmaai karaa mise jiho iyo jid diid?
  2. Maxaa farqi ah oo u dhexeeya iyaga nimankan ay dabagaleen ee ay gaalaysiinayaan, yacnii madaxda dowladaha islaamka? waliba waxaad moodaa qaabka Ibraahim wax u cabairayo in ay xarakadu kaga daran tahay dowladaha jiraa mealah qaarkood marka la eego sida ay u dhaqmaan.
  3. Soow ma cadda in haatan ay ka soo baxayso ragga afkooda in gacmo shisheeye ku dhex jiraan oo howsha wax ka wadaan? Maxaase dowladdaha jiraa loogu eedeyn gacmo shisheeye wata, haddiba iyagu la wato?
  4. Maxay tahay Jihaadka dhulka ummadda Soomaaliyeed ka maqan loo gaarsiin waayay, oo ummad dhulkeedii degen 20 sanona dowlad la’aan ahayd loo sii buruburinayo oo qarax iyo miino loogu asqaynayaa?
  5. Maxaa ay raggii caadaystay in ay culimada caayaan oo bogaga internetka furtay uga hadli waayeen arimahan, xitaa ay ugu dhici la’ yihiin in ay ka faaloodaan? Mise iyagana seeftaa la tagaysa?
  6. Meel culimadii iyo ducaadii laga fogeeyay maxaa khayr ah oo yaal? maxaase islaaxin ah oo laga sugayaa?

Su’aalahaas iyo kuwoo kaloo fara badaniba waa mid u baahan in la isweydiiyo, fiiro gaar ah loo yeesho, dabadeedna ummaddu u cadaato sidii looga hortagi lahaa fikirkaas guracan oo haatan sii wiiqmaya, meelna looga soo wada jeesan lahaa in aanu ummadda ku sii dhexfaafin. Xaquna waa mid cad oo aan u baahnayn in wax badan loo soo daliishado sidii loo cadayn lahaa, ee qof waloow ku dadaal inad xaqa raacdo, ducada Allahna badi inuu ku cadeeyo.

W/Q Abdirazaak Sugulle Mohamed

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online