Maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa..W/Q Sh .Abdirisaaq Sugulle Maxamed

May 1, 2013 - Written by Editor

maqaal-jhMahad oo dhan Allah ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo naxariisna suubanaheenii Muxamed korkiisa ha ahaato.Intaa dabadeed.. Cinwaanka kalimadan gaaban waxaa ay salka ku haysaa, sida soomaalidu tiraahdo : dhurwaa baa intuu hashiina candhada goostay, nirigtiina afka tiray, ayuu intuu isu gaagixiyay markii ay nirigtu aaday dhinicii hasha uu yiri : maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa.

Arinkani wuxuu qalbigayga ku soo dhacay, kadib markii aan arkay fatwa ay ku saxiixan yihiin Sh Xasan Daahir,  Rooboow Abuu mansuur , Macallin Burhaan iyo rag kale, taasoo lagu xaaraantinimaynayo daadinta dhiiga qofka muslimka ah. Waxaase mudnaan lahayd intaanay fatwada soo saarin in ay isweydiiyaan : Yaa fatwada loo soo saaray , yaase ka dhegeysan? soow xaalku ma ahan hadda sidii dhurwaaguba yiri, Maxay ku nuugi maxayse ka nuugi.

Waxaan kaloo aad isu weydiiyay, dhiiga muslimka ahi daadashadiisu ma haday bilaabatay ? soow hore loma daadin iska dhaaf dhiig muslin ahe, bal kuwii muslimiinta ugu qaalisanaa dhiigooda oo ah culimadii ummaddan?, Maxaase markii iyaga la dilay loo aamusay oo xitaa fatwa iska daye loo muujin waayay in ay tahay arin xun?.. Ma wiilka Maraykanka ah oo Twitterka ku haysta baadiyaha Soomaaliya ( oo aan si dhab ah loo aqoon cidda uu yahay, ma mujaahid baa mise waa mukhaabaraad) baa ka muslinsan oo dhiigiisu ka fiican yahay kan culimadii soomaaliyeed ee qaarna la dilay qaarna birta loo soofaysanayo ?.

Waxaasi oo dhami waxay muujinayaan oo aan ka fahmaynaa duruusaha soo socda oo loo baahan  yahay in qof kastoo muslim ahi,diin iyo damiir saafi ahna leh, uu ku baraarugo arimaha soo socda:-

    • In  Culimadu ay tahay cidda Ilaahay uu ku badbaadiyo ummaddaha, waayo  Allaah wuxuu qur’aankiisa ku leeyahay ” Waxaa Allaah ka cabsada oo kaliya addoomdiisa culimada ah”… hore ayayna u sheegeen baadilnimada Al shabaab iyo masiirkoodu inuu meel daran ku danbayn doono. Sheekh Umal oo muxaadaro uu dhowaan ku galay dalkan Finland lagu weydiiyay arimo la xiriira ururkan, ayuu sheekhu yiri : markii aan Soomaaliya tagnay anagoo culimo tiro badan ah xilligii maxaakimta, si uun dalkan qarka uga sii socda u dabaqabano ayaa sheekhu wuxuu sheegay in cida la kari waayay oo wax kasta ka soo istaagtay ay Alshabaabka ahaayeen, waxaanan ku niri buu yiri,( waa halkan meesha aan u danleeyahaye) ;  Saan hadaad ku sii socotaan idinka iyo Shariifka ayaa is leyn doona, kadibna Xisbul Islaam baad is dili doontaan, aakhirkana idinkaa is cuni doona!!!.
    • IN Haddii wixii alshabaab loo dabagalay ay diin ahayd ama wax uun ay iskaa tuseen, ay tahay in maanta wax badan oo qarsoonaa uu Allaah daaha ka qaaday, qofkuna uusan tacasub iyo is indhatir u daba taagnaan ee xaqa meeshuu jiro uu raaco, haddii khaladku cadaadayna bari laga noqdo.
    • In Alshabaab ay ku sugan yihiin xaalad adag, sida ay kawaadirteediiba ka markhaati kacayaan, oo jahwareer diimeed iyo jaajuus nimo ay ku jiraan, oo sidii horeba loogu timaamay waa ”Jid iyo Jiho diid”. ( Waxaanan arimahan ku soo qaadan doonaa qoraal kale oo soo socda oo aan u bixiyay ” وشهد شاهد من أهله”.
    • In da’yartu  aanay mar danbe ku kadsoomin, hadalada iyo digdigta Al-shabaab, maadaama uu arinku noqday sidii horeba loo yiri ” qorax ka weyn wax sacabo lagu qariyo”.
    • In haddii jahwareerka diimeed uu ku dhaco qofku uusan kala garanayn waxa saxda ah iyo waxa khaladka ah, oo maqaayista oo dhami ay iskadaba marayaan, sida hadda haysata raggan iyo kuwa daba socdaba.

Ugu danbayntii waxaan qoraalkaan gaaban nasteexa ugu gudbinayaa ragga wali damiirka diimeed uu ku danbeeyo ee Sheekh Xasan  Daahir ugu horeeyo, in haddii ay miyir qabaan oo wax uun garasha ahi ku danbayso ay ka toobad keenaan waxa ay dhex dabaalanayaan, isla markaana wali fursad ay ku soo laabtaan oo xaqa iyo ehelkiisa ku raacaan aanay ka dhamaan.

Waana arin runtii ceeb iyo xishood la’aan ah in ” dhigii sharafta badnaa ee raggii saaxibadood xagga diinta ahaa oo magac diimeed lagu daadi yayna aanay  wax ka oran, mida wiil Maraykan ah oo wuxuu Soomaaliya u yimidba aan la garanayna qaylo dhaan looga soo saarayo. Sidaa awgeed waxaa la joogaa xilligii ay hurdada ka kici lahaayeen oo inta u hartay umadda soomaaliyeed loo dabaqan lahaa.

Haddii koleey sida warbixinaha hadda dhexdooda ka soo yeerayaay cadaynayaan ay yihiin la haystayaalna, gurmad ha soo dalbadeen si looga soo furo dulmiga ku habsaday. Haddiise aad iska hadashaan oo kun fatwa soo saartaan, idinkuuba iska hadlay oo xaalkiinu waxaa uu noqon ” maxay ka nuugi, maxayse ku nuugi”.

Dhalinta waxaan mar kale leeyahay waa taas oo waad aragtaan waxa ay ku sugan yihiin ragan magaca diimeed iyo hadalada la isku toltolay idinku soo jiidinaya, ee yaan lagu daba lumin, si aydaan gudcur iyo god halq u galin, oo markaas aydaan aakhiro iyo adduunba u seegin. Culimadiina la idinku soofeyn, waxna barta si aad xaqa iyo baadilka u kala garataan.

W/Q Sh . Abdirazaak Sugulle Maxamed
abdirazaks@hotmail.com

3 Comments so far

Leave a comment

  1. waxaan aad ula yabaa dadka qora sheikh hebel ama sheikh xasan awees waxaan oran lahaa kelmada sheikh boos aysan lahayn yaan la dhigin oo alaah haloga cabsado cidii mutaysatay haloogu yeero cidii kalena in hebel waa hadii cadaalad jirto walaalka qoraalka qorayna waa ku mahadsan yahay.

  2. waa sida xaajiga u sheegaye waxaan raacin lahaa tusaale aan nin saaxiib ah kamaqlay oo ah

    hadaad meel aad fadhidaan idinkoo badan kadibna aragtaan ningaariwada ninkalena dhinac fadhiyo oo kan gaariga wadaa uu derbiyada ladhacaayo gaariga, dadkii maqaaxiyada iyo hareeraha wadada kadhowaana ay kala cararayaan maxaad is dhihi dhihi lahaydeen “midka gaariga wadaa wuu waalanyahay, mise labada gaariga wada saaran way waalinyihiin” haduusan kan dhinaca fadhiyaa lawaalneen wuu kadegilahaa saw maahan ama la qabsanlahaa oo oranlahaa anagana “hana layn umadadan halayn ee jooji gaariga”

    culimadaas waan jeclahay sheekh xassan daahir iyo ragiisa laakiin gaarigan ay shirka kasaaranyihiin ee ninka waalani wado hakadegeen ama hala qabsadeen kan wadaa oo iyagu miyir ha u wadeen

  3. maansha alaah shiikh abdirizaaq kheyr alaha ku siiyo waa loo baahan yahay in la is wacdiyo oo xaqa la isku sheego oo aan runta laga cabsan ilaaheyna wuxuu jecel yahay kuwa mar kasta runta ka sheega xaqa waanada aad u soo qortay dhalintana waa wax runtii loo baahan yahay oo wax ku ool ah in ay dhalin yarada wax bartaana waa wax meesha ku jira si ay u kala gartaan dariiqa toosan iyo kan lagu qaldaayo mar labaad waan ku salaamayaa halkaas ka sii wad waanada iyo wax u sheega umada adigana miisaanka aakhiro ale hakuugu daro wabilaahi towfiiq

Leave a comment

*