Midowga Yurub oo sheegay in ku tababarayaan Ciidanka DFS gudaha dalka(Masawiro)

May 15, 2013 - Written by Editor

IMG_7817Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu Soomaaliya ku soo dhaweyay  Tababarka Militariga Yurub (EUTM) oo hadda u soo guuray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan tababarayaasha Ciidamadda Xooga Dalka.

“ Sedexdii sano ee lasoo dhaafay waxeey Midowga Yurub Soomaliya ugu soo tabareen dalka Yugandha 3000 oo ciidan ah. Midowga Yurub waxeey Gudaha Soomaaliya ku tababarayaan Ciidanka Xooga Dalka Maanta waxaa Muqdisho ka furmay tababarkii oo hadda kadib si toos ah loogu bixin doona gudaha dalka Soomaaliya. Sanadkaan dhamaadkiisa ayaa waxaa dhamaan doono guuritaanka ay halkan u soo guurayaan dhamaan tababarada Midowga Yurub”

no images were found

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “ Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanagsan. Waxeey nagala qeyb qadanaayan dib u dhiska ciidan qaran oo matala dhamaan bulshadda qeybaheeda kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka hadda ay haysato qalab la’aan laakin goor dhaw laga bixi doono.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu yiri” Si kalsooni leh ayaan ugu mahad celinayaa dadaalka ay wadaan Midowga Yurub oo ku aadan tabarka ay siinayaan ciidanka Xooga dalka. Waxaana diyaar u ah in ay la shaqeeyaan Wasiirka Gashaandhiga iyo taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka”

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so 

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online