Ra’iisul Wasaaraha DFS oo maanta si rasmi ah u furay wajigii 2aad ee talaalka cudurka dabaysha

May 28, 2013 - Written by Editor

IMG_9311Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,  Hay’adaha WHO, UNICEF, OCHA iyo xubno ka socda waaxda wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qayb galay xaflad lagu daah furayey talaalka cudurka dabaysha oo wajigiisii labaad maanta si rasmi ah uu u furay Ra’iisul Wasaare Saacid.

Cudurka dabaysha oo laga ciribtiray Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa waxaa horaantii bishaan aan ku jirno  laga soo sheegay afar xaaladood oo cusub magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey 400 oo qof ilaa iyo hada la xaqiijiyey in 30 kamid ah looga shakisan yahay cudurka dabaysha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in talaakaan uu leeyahay muhiimad gooni ah loogana baahan yahay waalidiinta inay ku baraarugaan sidii caruurtooda uga talaali lahaayeen cudurkaan aan dawada lahayn.

no images were found

“Waxaa dhawaan Soomaaliya lagu arkay  cudurka dabaysha oo sanadii 2007 laga dabar gooyey dalka, waana cudur si fudud u fidi kara, wuxuuna khatar ku yahay dhamaan caruurta Soomaaliyeed, isagoona ku dhaca caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano, cudurkaan waxaa uu leeyahay ka hortag talaal, sanad kastana waxaa laga talaal caruur gaaraysa 2-bilyan caalamka oo dhan, taas waxay muujinaysaa khatarta iyo cabsida laga qabo inuu faafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana ku dhiiri galiyey dhamaan qoysaska Soomaaliyeed inay caruurtooda ka talaalaan cudurkan khatarta ah, ayna geeyaan goobaha talaalka.

Ra’iisul wasaraha ayaa sidoo kale sheegay in talaalkaan ay hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya Wasaaradeeda Horumarinta iyo Adeega Bulshada isla markaana kaashanaysa Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO).

“Maanta waxaa bilowday ololaha talaaka  dabaysha oo socon doona mudo lix bilood ah waxaan codsanaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ka qayb qaataan sidii loo cirib tiri lahaa, waxaana si gaar ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta uga codsana yaa inay xogta ololaha talaalka gaarsiiyaan bulsha weynta Soomaaliyeed si guul looga gaaro ciribtirka dabaysha” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhibcihii ugu horayey ee talaalka afka ugu dhibciyey caruur ka soo qayb gashay xaflada lagu furayey wajiga labaad ee talaalka, wuxuun mahadnaq balaaran u soo jeediyey Waxaada Caafimaadka ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada, Hay’ada Caafimaadak Aduunka (WHO), UNICEF, OCHA, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku hawlan talaalka caruurta.

 —-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director

Office of the Prime Minister
Mogdisho Somalia

Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online