Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo tacsi u diray dowlada Turkiya

May 13, 2013 - Written by Editor

R_Wasaare_SaacidInstanbul:-Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray dowlada Turkiya waxaana uu cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga qaraxyadaas ayaa waxaa ku dhintay 43qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku tilmaamay qaraxyada ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga falal argagaxiso isaga oo sheegay in xukuumadiisa ay sidoo kale la kulanto falal noocaas oo kale ah.

Raisulwasaare Saacid ayaa sheegay in dowlada Turkiya iyo shacabkeeda ay si weyn u garab istaageen dowlada Soomaaliya waxaa uu yiri “Soomaaliya waxaa ka dhacay falal argagaxiso oo la mid ah kan Turkiga ka dhacay, . Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi tiiraanyo leh aan u diro qoysaska iyo ehelada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga,”

Raisulwasaaraha DFS ayaa ugu baaqay dowlada iyo shacabka Turkiya in ay midnimo muujiyaan ayna ka qeybqaataan dagaalka lagula jiro kuwa dhibaateynaya shacabka aan waxba galabsan wuxuuna aad u rajeeyey in si degdeg ah loo soo qaban doono kuwa laayey shacabka aan waxba galabsan.

Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya dalka Turkiya ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee dalkaas ay gacanta ku dhigeen 9 qof oo loo heysto inay ka danbeeyeen weeraradii ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online