Sh Xassan Daahir Aweys oo Qaylo dhaan kale soo diray[Dhagayso]

May 17, 2013 - Written by Editor

xasan_daahirShiikh Xassan Daahir Aweys ayaa maanta mar kale waxaa uu ka warbixiyey  xaalada dalka Soomaaliya uu siiyey mareegta  Aljahad .com oo inta badan lagu qoro bayaanada iyo wararka ka soo baxa Ururka Al-Qaacida, Shiikh Xassan ayaa waxaa uu ka waramay dhibaada ka jirta soomaaliya isagoo eedo u soo jeediyey Dowllada Ingriisa iyo dowlladaha reer Galbeedka isagoo xusay in ay ku hayaan dagaal aan kala joogsi lahayn.

Warbixinta uu siiyey Sh Xassan Daahir Aweys  mareegta aljahad.com ayaa waxaa uu ku celiyey in dowllada Federaalka ay tahay mid diinta ka baxday oo ridowday iyagoo hiil iyo taro siiyey gaalada ku soo duulay dalka Soomaaliya gaar ahaan ciidanka AMISOM.

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa qiray in degaano badan oo ay haysteen urura Al-shabaab ay ka baxeen gacanta Al-shabaab taasna ay ugu wacan tahay duulaanka gaalada iyo in taladii ka dhexeysay ururka lagu xadgudbiyey arrinkaas oo ah mid khilaafsan diinta Islaamka.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa mar kale cod dheer ku sheegay in culimadii , iyo waxgaradkii  si qarsoodi ah loo laayey isagoo sheegay in la daadiyey dhiig xaaraan ah oo ay ugu horaysay dhiigii culimada Soomaali yeed. Ugu danbayntii ayaa Sheekh  Xassan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Fatwo ayb soo saareen dhawaan oo ay kaga digayeen in la dili Abu Mansuur Al-amriiki aan dhag loo dhigin oo weli lagu dabo jiro la doonayan in la dilo arrinkaas oo uu sheegay in ay alle uga bari yihiin.

[audio:http://www.iwisc.net/hassauais/auais.mp3] Halkaan ka Dhagayso

Source :Aljahad .com

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online