Shirweyne looga hadlayey dacwada gobolka Mudug oo lagu soo gabagabeeyey Xarfo

May 4, 2013 - Written by Editor

Jamaci guudGaalkacyo:-Waxaa maalintii jimcaha ee 3/5/2013 lagu soo gabagabeeyey magaalada Xarfo shirweyne muddo labo beri ah uga socday culumada iyo ducaadda gobolka Mudug oo ay soo qabanqaabisay Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta. Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 24 daaci oo ka kala socday magaalooyinka gobolka waxaa looga gollahaa in ducaadda gobolku yeeshaan iskaashi dacwadeed oo buuxa, lana xoojiyo xiriirka walaanimo ee bulshada gobolka, isla markaasna la dajiyo qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo dacwada gobolka.

Shirweynaha oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha mu’assasada Al-manhaaj Sh. Maxmaed Maxamuud Ciise intii uu socdey waxaa la soo bandhigay diraasado iyo warbixino faahfaahsan oo ku saabsan dacwada gobolka, waxbarashadiisa, dhaqaalihiisa, nabadgalyadiisa iyo xiriirka u dhexeeya dadweynaha gobolka. Waxaa kale oo si qotodheer looga dooday sidii xal loogu heli lahaa mashaakilka kala duwan ee gobolka ka jira gaar ahaan colaadaha qabiilka, isqafaalashada, mashaakilka burcad-badeeda iyo daroogada.

Arrimaha sida gaarka ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ahaa xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya dadweynaha gobolka iyo in la wanaajiyo xiriirka ay la leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaa culumadu isla meeldhigeen in colaadaha iyo kala qoqobnaanta bulshadu ay caqabad ku tahay dacwada, waxbarashada, horumarka iyo kalsoonida bulshadu isku qabto; sidaa darteedna loo baahanyahay in lagu dadaalo wax kasta oo xoojinaya walaalnimada iyo wadajirka, lagana hortago wax kasta oo dhaawacaya walaalnimada iyo isku kalsoonida.

Dhinaca dacwadana waxaa la soo saaray go’aamada soo socda:

In xilliga xagaaga la qaado olole dacwadeed oo ballaaran, magaalooyinkana lagu qabto nadwooyin iyo dawrooyin cilmi ah.

In wufuud culumo ah loo diro deegaanada gobolka; si ay u dardargaliyaan dacwada iyo waxbarashada diimeed.

In Mu’assada Al-minhaaj wafdi udirto magaalooyinka Jirriiban iyo Ballibusle, iyo deeganada raacsan.

In shirarka dacwada marba magaalo hor leh lagu qabto; si loo xoojiyo isbarashada iyo xiriirka ducaadda iyo dadweynaha gobolka.
Si loo xakameeyo saamaynta qabyaaladda iyo kala qoqobnaantu ku leedahay bulshada gobolka waxaa la go’aansaday in mu’assasadaha waxbarashada iyo xarumaha dacwada la mataaneeyo, ayna yeeshaan xiriir dhow, isla markaasna ay is booqdaan ducaadda iyo ardayda magaalooyinka kala duwan, ayna xoojiyaan iskaashigooda.

In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta culumada iyo ducaadda labada qaybood ee gobolka Mudug, ayna iska kaashadaan heshiisiinta iyo walaalaynta beelaha gobolka.

In laga shaqeeyo sidii bulshadu uga wada shaqayn lahayd faafinta diinteeda iyo danta guud ee ummadda, isla markaasna ay arrintaas isaga kaashan lahaayeen culumada, maamulada, isimada iyo ganacsatada.

Xubnaha shirweynahaan ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa: guddoomiyaha Mu’assasada Al-minhaaj, guddoomiyeyaasha faracyada Bari iyo Mudug ee mu’assasada, madaxda mu’assasada ee degmooyinka iyo qaar ka mid ah aasaasayaasha mu’assasada. Waxaa kale oo ka soo qaybgalay maamulka jaamacadda Bariga Afrika iyo faracyadeeda gobolka Mudug, madaxda Raabidada Macaahida, qaar ka mid ah maamulayaasha macaahida gobolka iyo culumo kale.

Intii shirku socdey waxaa wufuuda kalimado ugu jeediyey khadka telefoonka Amiirka Jamaacada Al-ictisaam Sh. Bashiir Axmed Salaad iyo Sh. Yuusf Aadan Maxamed oo ka mid ah guddiga joogtada ah ee golaha shuurada.

Gabagabadii shirka waxaa culumadu soo saareen bayaan ka kooban 11 qodob oo ay kula hadlayeen ducaadda, isimada, maamulada, beelaha degan gobolka Mudug iyo qaybaha kale ee bulshada. Bayaankii culumaduna waa kan:

بسم الله الرحمن الرحيم Annaga oo ah culumada iyo ducaadda magacyadoodu hoos ku xusanyihiin waxaan usoo jeedinaynaa ducaadda, isimada, maamulada iyo dhamaan qaybaha bulshada baaqan soo socda:

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Somaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan inta ku nool gobolka Mudug inay Ilaahay ka dhowrsadaan, diintiisana qabsadaan kuna midoobaan, mashaakilaadkoodana ku xallistaan, maxaa yeelay dhibaatooyinka ina heysta waxaan ku xallin karnaa oo kaliya inaan xagga Alle u cararno.

Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo daadinta dhiigga xurmada leh ee dadka muslimiinta ah, kaasoo keeni kara dabargo’ baahsan iyo ciqaab Alle oo aan laga soo waaqsan karin. Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan gobolka Mudug ee isugu jira maamul, waxgarad, odayo dhaqameed, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro inay u guntadaan sidii loosoo afjari lahaa wax walba oo wax yeelleynaya midnimada iyo walaalnimada dadka gobolka wada deggan ee ay ka dhexeeyaan islaamnimada iyo ehelnimada labadaba.

Waxaan si adag usoo jeedineynaa in la joojiyo falalka burcadnimada ee qafaalashada iyo afduubka oo waayahan ka dhacay meelo ka mid ah gobolka annagoo xasuusineyna dadka dambiyadaa ka dambeeya cirib xumida dulmigu iyo halaagga Ilaahay ugu gooddiyay daalimiinta.

Waxaan ugu baaqeynaa shacabka ku dhaqan gobolka Mudug gaar ahaan culimada inay gutaan waajibka Ilaahay ka saaray faafinta diinta, gaar ahaanna u weelqaadaan faafinta dacwada iyo barista ummadda diinteenna xaniifka ah gaar ahaan deegaannada ka fog laamiga iyo deegaannada ku teedsan xuduudda dalka.

Waxaan ugu baaqeynaa dadweynaha gobolka Mudug inay ka waantoobaan kala qoqobnaanta qabyaaladeed iyo isku cunsuriyeynta abuurka Alle, maxaa yeelay ma jiro qof doortay cidda uu yahay ee Ilaahay ayaa u dooray, annagoo dadka gobolka ogeysiineyna wanaag ay midnimo ku gaari waayeen inaysan tafaraaruq ku gaareyn.

Waxaan ugu baaqeynaa samajecelka gobolka ee rag iyo haweenba leh inay ka hortagaan munkaraadka ay diinteennu reebtay sida mukhaadaraad ka kala duwan, burcadbadeednimada, aflaamta xunxun ee dhaawacaya anshaxa wanaagsan ee dadkeenna ay islaamnimada kasoo gaareen, arrimahaas oo dhammaantood horseedi kara caro Alle iyo ciqaabkiisa oo soo dega. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay usoo jeedsadaan barashada diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda taasoo ay ku jirto sharaftooda, badbaadadooda adduun iyo aakhiro iyo inay ku xirmaan culimada diinta xambaarsan ee lagu yaqaan cilmi, camal iyo xalaal-quudashada.

Dhallinyaradu waa laf dhabarta bulshada, awooddeeda wax bedesha iyo mustaqbalkeeda berrito, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay waqtigooda uga faa’iideystaan wax anafacaya adduunkooda iyo aakhiradooda kana digtoonaadaan ka qeybqaadashada qandaraasyada bulshada lagu hagardaameynayo ee ay wadaan cadowga diinta iyo bulshadeenna muslimka ah.

Waxaan ugu baaqeynaa isimmada, nabaddoonnada iyo horjoogayaasha beelaha Soomaaliyeed inay Ilaahay ka cabsadaan beelaha ay u taliyaanna ay ku maamulaan shareecada Islaamka ee Ilaahay inoo jideeyay inaan isku maamulno kuna kala baxno markii khilaaf yimaado.

Waxaan ugu baaqeynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maamul iyo shacabba inay Ilaahay u towbad keenaan, is cafiyaan isuna tanaasulaan, ayna isku maamulaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. ee Ilaahay u doortay inay ka dhigtaan dastuurkooda nololeed.

Ilaahay ha na waafajiyo sida uu jecel yahay, raalligana ka yahay Saxiixayaasha bayaanka:-

  1. Sh. Maxamed Maxamuud Ciise
  2. Sh. Maxamed Macallin Axmed
  3. Sh. Mahad C/laahi Maxamed
  4. Sh. C/Qaadir Khaliif Diiriye
  5. Sh. Faarax Maxamed Cajab
  6. Sh. Axmed Faarax Garaase
  7. Sh. Maxamed Cabdi Cartan
  8. Sh. Aadan Maxamed Cigaal
  9. Sh. Muuse Yuusuf Xaaji
  10. Sh. C/Qani Qorane Maxamed
  11. Sh. Bashiir Warsame Maxamed
  12. Sh. Cilmi Yuusuf Axmed
  13. Sh. Burhaan Maxamed C/laahi
  14. Sh. C/Qaadir Cumar Maxamed
  15. Sh. C/Fattaax C/Laahi Daahir
  16. Sh. Aadam Maxamed Faarax
  17. Sh. Axmed C/Samad Cabdulle
  18. Sh. Bilaal Caad Maxamed
  19. Sh. C/Wali Nuux Muuse
  20. M. C/Rashiid Sh. Maxamuud M. Axmed
  21. Sh. Axmed Maxamed Guuleed
  22. Sh. C/Razaaq diiriye Maxamuud
  23. C/Salaam Aadam Siyaad
  24. C/Qaadir Axmed Maxamed

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online