Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska DFS Jen C/xakiim Daahir oo xilka la wareegay

May 10, 2013 - Written by Editor

taliyeMuqdisho:-Waxaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada booliska ee DFS Jen Cabdixakiim Daahir Saciid ka dib xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka Booliska Gen.Shariif Sheekhunaa Maye.

Taliyaha cusub ee ciidamada booliska DFS Gen Cabdixakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada uu xilka kula wareegay waxaana uu sheegay in uu isbeddel weyn ku sameyn doono ciidanka Booliska Soomaaliya isaga oo balan qaaday in la tayeen doono lana hormarin doono ciidanka Booliska Soomaaliya.

Munaasabada uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska DFS Gen Cabdixakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS ayaa u mahad celiyey taliyihii hore ee ciidanka Booliska DFS Gen.Shariif Sheekhunaa Maye waxaana uu bogaadin iyo dardaaran u soo jeediyey taliyaha cusub ee ciidanka Booliska DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online