Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda ee DFS Bashiir Goobe oo maanta xilka la wareegay

May 8, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda ee DFS Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay xilka waxaana uu xilka kala wareegay C/kariim Xasan Daahir oo si ku meel gaar ah xilkaas u sii hayey .Munaasabadda uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee Hay’adda nabad-sugidda ee DFS Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta ciidanka nabadsugida ee DFS waxaana munaasabadaas ka soo qeyb galay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee DFS Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, taliyaha ciidanka Booliska ee DFS Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid iyo saraakiil badan oo ka socday qeybaha kala duwan ee ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya.


Taliyaha ciidanka  Hay’adda ee DFS Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo khudbad kooban ka jeediyey xaflada ayaa sheegay in uu isbedal weyn ku sameyn doono hay’adda nabad-sugidda waxaana uu si weyn ugu mahad celiyey taliyihii hore ee hay’adda Axmed Macallin Fiqi  iyo dhamaan saraakiishii la soo shaqeysay .

A/Cawale
Halgan.net

 

 

£Amal_02_10@

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online