Wafdi ka socda IGAD oo saaka gaaray magaalada Kismaayo

May 18, 2013 - Written by Editor

IGADKismaayo:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose gudigii  xaqiiqa raadinta IGAD waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Juba Land Sheekh Ahmed Madoobe.

Gudiga xaqiiqo raadinta ee Ururka IGAD ayaa  laba maalmood waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyaga oo kulamo la qaatay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaare Saacid .

Wafdiga Ururka IGAD ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Juba Land Ahmed Madoobe iyo masuuliin kale .

Waxaa haatan ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose kulan u dhexeeya wafdiga ka socda IGAD iyo Madaxweynaha Juba Land iyo Ku xigeenkiisa waxaan ay ka wada hadli doonaan xaalada gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Wafdiga ka socda IGAD ayaa kormeer ku tagay xarunta Jaamacada Kismaayo halkaas oo uu ka socday shirweynihii lagu soo doortay madaxada Juba Land .Wafdiga ayaa la kulmi doona odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada

Wafdiga ka socda IGAD ayaa laba maalmood ku sugnaan doona magaalada Kismaayo si ay u qiimeeyaan shirweynihii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online