Wasiiro ka tirsanaa DFS oo loo fasaxay in ay gudaha u galaan Kismaayo

May 29, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:Wararka naga soo garaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubad Hoose ayaa sheegaya in 3 wasiir oo ku xayirnaa garoonka  diyaaradaha ee Kismaayo mudo dhan saddex cisho ah maanta loo fasaxay in ay gudaha u soo galaan magaalad Kismaayo. Wadahadalo mudo u socday  Xildhibaano  ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubballand ayaa lagu hishiiyey in Wasiiradda ka socda DFS loo ogolaado in ay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo iyadoo isla maanta la dejiyey Hotel Cascaseey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda u saraysa DFS iyo maamulka Jubballand ay xalay wada hadleen ayna wada gaareen is afgarad walow aan ilaa hadda la aqoon wax ay isla gaareen ama ku hishiiyeen. Saddexda Wasiir ee ka socda  DFS ayaa la filayaa in ay ilaa caawa sii joogaan magaalada Kismaayo iyadoo la filayo in ay si dhaqo ah ugu laaban doonaa magaalada Muqdisho .

Ilaa hadda ma jiro madax ka tirsan DFS ama maamulka Jubballand oo ka hadlay xiriirka is afgarad ee hadda dhexmaray labada dhinac.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online