Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo warmurtiyeed soo saaray[Akhriso]

May 24, 2013 - Written by Editor

IGADWarbixinta  maanta ay si hordhac ah u soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo shirka u yeeshay dalka Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed dhinacyo badan taabanaya balse aan wax badan kaga duwanayeyn shirarkii ay madaxda IGAD  yeeshaan iyo shirarkii kale duwanaa eek a dhacay London.

War-murtiyeedka maanta soo baxay  Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin dheer oo ay soo gudbiyeen gudiga xaqiiqo raadinta ah ee IGAD  oo safar xog aruurin ah ku kala bixiyey magaalada Muqdisho iyo Kismaayo iyagoo kulmo gooni  gooni la qaatay madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda loo doortay maamul gobolleedka Jubballand ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

War-murtiyeedka ayaa waxaa ka muuqda in qolo walba la doonayo in si gooni loo qanciyo maadaam aan war-murtiyeedka si toos ah loo oran qolada khaldan. Sida ku qoran warqadda waxaad ka arkey saa in mar walba la leeyahay dawladdu waa in ay daadi hinta shirarka iyaddu hogaamisaa walow haddan la leeyahay dowlladu waa in aad ilaalisaa dastuurka ku meel gaarka ah.

Warbixintu waxey kale oo xuseysaa in dhamaan Soomalida is heysata ay codsanayaan in IGAD ay mar walba door ku lahaato geedi socodka dhimaha dowlad goboleedyada federaalka ah. Haddaba IGAD waxay soo diyaarisay warbixin dheer oo ay kaga hadleyso kulamaddii ay la soo gashay Soomaalida iyo wixii ay IGAD u aragtey talo soo jeedin ku socota Soomalida. Waxaana warbixinta ka muuqatay la dagaalanka Al Shabaab in ay tahay arin muhiim ah. Waxaanu is leenahay qodobadda ugu muhiimsan oo ay IGAD dooneysay in ay gudbiyaan uu yahay qodobka lixaad, wuxuuna qodob kaas oranayaa:

Waxaa la soo dhaweynayaa qorshaha dejinta wadanka ee dowladda federaalka Soomaaliya wado, haddana waxaa loo baahan yahay in howlaha socda ee maamul u sameynta gobolladda iyo dejinta wadanka waa in ay ku dhis naadaan mabaadiida soo socota,

  • In ay dowladda federaalka ah yeelato hogaaminta arimaha socda;
  • In la xushmeeyo dastuurka ku meelgaarka federaalka Soomaaliya
  • In wada tashiyadu ahaadan mid ay dhamaan bulshada somaaliyeed qeyb ka yihiin
  • In doorka IGAD ee taagerida in uu ahaado mid ku dhisan dalabyada ka imanaya dowlada
  • In la dagaalanka Al Shabaab uu yahay muhiimadda koowaad ee dowlada federaalka; AMISOM; wadamada deriska iyo saaxiibadda caalamka.

Waxaa laga dalbayaa dowladda federaalka Soomaaliya in ay raacdo nuqulka warbixinta iyo shantaan qodob eek u lifaaqan korna ku qoran.

Ugu danbayntii waxaa muuqata in shirarka loo qabanyo hogaamiyaasha ama siyaasiyeenta soomaalida ay u xuub siibteen kuwo la doonayo in waqtiga looga lumiyo ama la qanciyo dowllada dariksa la ah  ama la abuuro colaad hor leh oo sababi karta dagaalo iyo jahwareer siyaasadeed.

Halkaan ka akhri war-murtiyeedkii ka soo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online