Xassaan Xuseen oo dil ku xukumay kuwa Khilaafsan Axmed Godane, qirtayna culimadii la dilay.[Dhagayso]

May 28, 2013 - Written by Editor

xassanNairobi:-Sh. Xasaan Xuseen oo ka mid wadaada taageera Al-shabaab iyo Al-Qaacida ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in la dilo hor-joogayaasha ka cabanaya Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane kuwaas oo cabashooyin cod iyo qoraalba ku faafiyey Mareegaha taageera ururka Al-Qaacida. Raga ka tirsan ururka Al-Shabaab ee qoraalada ku faafiyey Mareegaha Internetka kana cabanaya Amiirka Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys,Cumar Xamaami (Abu Mansuur Al-Amriki),Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Ibraahim Afgaani) Zubayr Al-Muhaajiri .Cabshooyinka ay sheegeen raggaan ayaa waxaa ka mid ah.

1.In Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uusan ogolayn wax wadatashiga ah.

2.In amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu samaystay Xabsiyo qarsoodi ah laguna jir dilo Muhaajiriinta.

3.In Amiirka ururka Al-shabaab uusan ogolayn in lagu kala baxo kitaabka quraanka iyo Sunnada Nabi Maxamed Nabadeglyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sheekh Xasaan Xusen ayaa sheegay in uu qabo in la dilka cid kasta oo isku dayda inay qeybiso Jihaadka ururka Shabaab ay wadaan lana dhaafiyo aduunka isagoo dhinac kalena si cad u qirtay dilka culumo ka tirsan Ururka Ictisaam oo lagu dilay Soomaaliya in uu isagu Fatwooday dilkooda.

Sheekh Xasaan ayaa yiri “Mujaahidiinta Laftirkoodu Baryahaan danbe waxaa ka socda Khilaafaad ninka Khilaafkiisa la xalin waayo degalka halaga rido indhaha ha laga soo rido nin walba oo khilaaf wada khilaafkiisana uu umada qeybinayo dil buu mutaa li”ana Mas,alo mansuus ah oo halkan taal oo la isku hayo ma heyno.Masaa,il khilaafi ah oo Ijtihaadi ah oo siyaasi ah oo xarbi ah aniga saan bay ila tahay iyo saan bay ila tahay baa meesha taala haday noqoto waxdadii Mujaahidiinta ay dhaawacanto xagana aan lagu ilaalin karin ilaa biqatli maftuuni almukhaalif waa la dilayaa.

Sheekh Xasaan Xusen ayaa sidoo kale qirtay in uu qeyb ka yahay dilka culumada Ictisaam ka dib markii uu rido iyo gaalnimo ku xukumay fatwoodayna in lagu dilo meel walba mar uu arinkaas ka hadlayey ayuu wuxuu yiri “Qolyo wadaaddo masaakiin ah oo Ictisaam ah oo meelahaan fadhiya ayaan dhahnay aduun kaan hala dhaafiyo, maxaad moodaa nin Jihaadkka qeybinaya.!

Wadaadka Xasaan Xusen ayaa horey u gaaleysiiyey shacabka iyo culumada ku dhaqan deegaanada S/land Puntland iyo Somali Galbeed mana ah wax ku cusub Manhajka Takfiiriga uu qaatay Xasaan Xuseen waxaase dad badan ay la yaaban yihiin oo shaki weyn galisay in wadaadku ku nool yahay dalka Kenya oo ciidamo ay leeyihiin kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya ururka Al-shabaab oo Xassan Xuseen uu taageersan yahay .

Ciidanka Sirdoonka ee dalka Kenya ayaa si fool xun ugu dilay magaalada Mombaza ilaa labo wadaad oo ay ku eedeeyeen in ay taageero u hayaan ururka Al-shabaab iyo Al-qaacid iyagoo wax Maxkamada ah oo ku cadaysay danbigaas aysan jirin. Labad wadaad ee lagu dilay magaalada Mombaza ayaa waxaa ay kala yihiin Sheekh Cabuud Rogo iyo Khaalid Axmed.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Kenya oo la yiraahdo Thomas Sangut oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in ay dileen labada wadaad ee kor ku xusan iyaga oo aan wax Maxkamad ah la keenin.

Halkan ka Dhageyso Xasaaan Xusen oo Fatwooday in la dilo raga Khilaafay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/n9b9i11q0i/halaga_hortago.mp3] Halkaan ka dhagaysoMp3 [Xigasho Somalimemo]

Haddaba Allaha u naxariistee Sh. Cabudqaadir Nuur Faarax oo akhrinaya Manhajka Ururka Ictisaam Bilkitaab Wasunaha ayaa waxaa aad ugu dheeraaday Gaalaysiinta iyo Xad gudubka isagoo si gaar ah u soo qaaday in kooxda Takfiirka iyo kooxaha kale ee dhinac maray Manhajka Ahlunaha isagoo Sheekhu uu aad u cadeeyey in kooxahaas lumay ee dhinac maray manhajkii Ahlusunaha aysan ka soo dhex bixin Dacwadii ka socotay dalka Soomaaliya balse dibada laga soo maanguuriyey

Sheekh Cabudqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee ayaa waxaa uu si gaar ah u soo qaaday Xadgudubka diineed ee uu ku dhacay Xassaan Xuseen isagoo sheegay Shiikhu in uu Fatwooday in culimada Ictisaam ay yihiin kuwa diinta ka ridoobay taas micniheedana ay tahay in culimadaas odayaasheeda la laayo dhiigooduna uu yahay mid banaan waan tan sababtay in la dilo culimadii uu ka mid ahaa Allaha u naxariistee Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Sh Maxamed Tahliil, iyo ducaad kale.

Xassaan Xuseen Aadam ayaa meelna uga bixi doonin culimadaas la laayey dhiigooda aduun iyo aakhiraba waan mid uusan ka garbixi karin haddii ay noqon lahayd dhinac Qisaasta mar haddii uu isaguba qirsan yahay in ururkii ay culimadaas hogaanka u ahaayeen ama ka tirsanaayeen uu ku xukumay rido ama gaalnimo uuna si cad maanta u sheegay in uu amray in aduunka la dhaafiyo culimadii ururka Ictisaam ee qaar la dilay iyo kuwa ka tirsan urruka Al-shabaab ee ka fikriga duwan amiirkooda Axmed Cabdi Godane.

Hoos ka Dhagayso Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/zl2kxk3qdk/shcabdulqaadir_nuur.mp3] Halkaan ka DhagaysoMp3

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online