Zubeyr Muhaajir oo Hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu baaqay inuu u hoggaansamo Shareecada.

May 25, 2013 - Written by Editor

motalabaMuqdisho:-Zubeyr Mujaahir, oo ah ninka Al-Shabaab u xil saarteen inuu dhexdhexaadiyo, ayaa hoggaamiyaha xarakada Abuu Zubeyr, ugu baaqay inuu u hoggaansamo Shareecada Islaamka.

War qoraal ah oo ku qoran luuqadda Carabiga, ayaa Zubeyr Muhaajir, ku sheegay in weli amiirka xarakada uu ka madax taagayo inuu u hoggaansamo go’aamada ka soo baxaya Maxkamadda kala saaridda Al-Shabaab ee uu isagu “Zubeyr Muhaajir” madaxda u yahay.

” Amiirku weli ma uusan joojinin ciqaabiddii uu xabsiyada wax ku ciqaabayey, dilkii ahaa bilaa Maxkamadda, waxaana ugu dambeeyey isku daygii dil ee Abuu Mansuur Al-Amriki, ka dibna wuu weeraray isaga ” Amriki” iyo saaxiibadiis Khidaab Misri iyo Usama Biritani, wuxuuna ku weeraray gobolka Baay” ayuu yiri Zubeyr Muhaajir.

Dhexdhexaadiyaha Al-Shabaab, ayaa sheegay in la wada ogyahay in amiirka xarakada uu sammeeyo waxyaabo badan oo shareecada Islaamka khilaafsan, wuxuuna ugu baaqay inuu ka waantoobo, una soo laabto u hoggaansamidda Sharciga.

Zubeyr Muhaajir, ayaa soo qaatay hadalkii ay sida wadajirka ah u soo saareen qaar ka mid ah Madaxda Al-Shabaab, kaasoo ay kaga digayeen dhiigga Amriki iyo Saaxiibadiis ee uu raadsanayo amiirka Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan xadgudubyo loo geysanayo saddexdaas nin, xoolahooda, iyo xaasaskooda, isagoona carrabka ku dhajiyey in xaasaskooda ayan dambi gelin ee waxa lagu maagayo ay tahay inay xaasas u yihiin raggaas Mujaahidiinta ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii: ayuu sheegay in arrinta Amriki, Khidhaab Misri, Usama Biritani, iyo laba kale oo Soomaali ah oo la socda ay dalbanayaan in lagu dhammeeyo shareecada Islaamka, wuxuuna ugu baaqay Amiirka Al-Shabaab, inuu raggaas ammaan siiyo, ciidankiisana ku amro inay ceyrsiga ka daayaan raggaas.

Hoos ka Akhriso Baaqa  iyo qeylo dhaanta Zubeyr Mujaahir,

Qoraalka waxaa lagu faafiyey Mareegta aljahad

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online