Al-shabaab oo xaqiijiyey in la khaarajiyey Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgaani

June 29, 2013 - Written by Editor

logo-alshabaabMuqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab ee dhinac howl galada Sh.C/Casiis Abuu Muscab oo shir jaraa’id ku qabtay meel ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ururkooda ay khaarijiyeen masuuliyiin ka tirsanaa ururkooda. Afhayeenka Al-shabaab Sh. C/Casiis Abuu Muscab ayey ka gaabsaday in uu si cad u xuso magacyad labada masuul ee ku dhintay sida uu sheegtay howl ay ka fuliyeen ciidanka daacada u ah amiir Al-shabaab Axmed Cabdi Godane magaalada Baraawe.

Afhayeenka  Al-shabaab ee dhinac howl galada Sh.C/Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa kale oo shirkiisa jaraa’id ku xaqiijiyey in ay jiraan masuuliyiin kale oo xabsiga la dhigay walow uusan xusin tiradooda inta ay tahay xusin. C/Casiis Abu Muscab  ayaa  ku eedeeyey masuuliyiinta ay dileen ururka Al-shabaab in ay kala dhantaalayeen midnimada ururkood ayna in badan  u naseexee yeen balse aysan dhag u dhigin.

Afhayeenka ururka Al-shabaab ee dhinac howl galada Sh.C/Casiis Abuu Muscab ayaa beeniyey in ururka Al-shabaab ay noqdeen labo garab oo mid taageersan yahay Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane halka  garabka kalena uu taageersanaa Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Ibraahim Afgaani, Sh Xassan Daahir Aweys iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye.

Halgan.net ayaa markii ugu horeysay faafisay taariikhdu markay ahayd 24.06.13 howl galkii ay ciidamo daacad u ah Amiirka ururka Al-shabaab ay ka fuliyeen degmada Baraawe ay ku dhin teen ilaa 6 qof kana dhaawacmeen ilaa 10 kale  iyo ka tegi taankii Sh Xassan Daahir Aweys degmada Baraawe iyadoo aan ka soo xignay ilo wareed u gaar ah Halgan.net  Halkaan ka eeg

Maalintii howlgalka ay fuliyeen ciidanka daacada u ah Amiirka Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaan xiriir la samaynaya Sheekh Xassan Daahir Aweys oo markaas ku sugnaa degmada Baraawe  balse waa uu ka gaabsaday isagoo isla habeenimadiiba doona si qarsoodi ah uga baxay degmada Baraawe.

Ilo wareed u gaar ah Halgan.net ayaa u xaqiijiyey in Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Macalin Burhaan iyo Ibraahim Xaaji Jaamac miicaad la khaarajiyey halka xabsiga la dhigay.

1. Xikmatyaar Al Hargeysaawi

2. C/rashiid Abu Yonis Al-Gedaawi

3. Zubeyn Al-Muhaajiri

4. Abu Yuusuf Al-Muhaajir

Wararkii u danbeeyey ee ka imaanayey  degmada Baraawe ayna saxaafadu aad u sheegaysay ayaa ahaa in ay jiraan masuuliyiin kale oo la khaarajiyey oo ay ka mid yihiin:-

1. Zubeyr Muhaajir oo ahaa madaxii maxkamaddii dhexdhexaadinta Al-Shabaab.

2. Abuu Yuusuf Al-Muhaajir oo ka mid ahaa saraakiisha aan Soomaalida aheyn ee ka barbar dagaallanta Al-Shabaab dhawaana qoray qoraal uu wax badan kaga ifiyey waxa ka dhex jira urruka Al-Shabaab.

3. Sh. Samatar oo mar ahaa madaxii Caafimaadka ee Al-Shabaab.

Afhayeenka ururka Al-shabaab ee dhinac howl galada Sh.C/Casiis Abuu Muscab ayaan soo hadal qaadin  masuuliyiinta kale oo maalmihii u danbeeyey ay saxaafadu qoraysay in la dilay balse waxaa kaliya oo uu soo hadal qaaday  iska horimaadkii dhexmaray  Abu Mansuur Al-amriikii iyo koox amniyaadka ah ee ururka Al-shabaab oo rabay in ay dilaan ee ka dhacay  degaanka Raama Cadeey.

Afhayeenka Al-shabaab ee dhinac howl galada Sh.C/Casiis Abuu Muscab ayaan shirkiisa jaraaid ku soo qaadin ka tegitaankii
Sh Xassan Daahir Aweys kaga tegay degmada  Baraawe iyadoo Sh Xassan Daahir caawa weli lagu hayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online