Diyaaradii siday Sh Xassan Daahir Aweys oo ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde

June 29, 2013 - Written by Editor

diyaaradMuqdisho:Waxaa dhawaan  ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho diyaaradii siday Sh Xassan Daahir Aweys ,Ilo wareed ku dhow Sh Xassan Daahir Aweys oo ay Halgan.net la xiriirtay ayaa u xaqiijiyey in dhawaan ay soo degtay diyaaradii siday Sh Xassan Daahir Aweys. Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa la socda wafdi ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb, Odayaal dhaqan , siyaasiyeen Xildhibaano ay isku hayb yihiin Sh Xassan Daahir oo iyagu dhowr maalmood wada hadal kula jira  Sh Xassan Daahir Aweys iyo Saraakiil kale oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo si qorsoodi ah doon  uga baxay magaalada Baraawe.

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa hadda ku sugan qaybta VIP ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaan si rasmi ah loogu wareejiyey madaxda Dowlladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasiirka Arrimaha gudaha iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida DFS si ay amaankiisa ula wareegaan.

Halgan.net oo isku dayday in ay khadka teleefanka ku hesho Sh Xassan Daahir Aweys ayeysan u suuroobin sababo la xiriira dhinaca is gaarsiinta  iyadoo dhamaan wafdiga iyo qaybaha kale ee la socda Sh Xassan Daahir ay hadda weli u suuroobin in ay la hadlaan saxaafad.

Ilaa hadda wax faaf faahin ah lagama hayo wafdiga la socda  Sh Xassan Daahir Aweys inta uu le’eg yahay iyo wax la isku afgartay
iyo halka uu Sh Xassan Daahir Aweys uga sii baqooli doono magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online