Kulan Ducaada ah oo ka dhacay magaalada Johannesburg

June 6, 2013 - Written by Editor

DSCN2940[1]Waxaa maalintii khamiista oo bisha ahayd 06/06/13 bacdal maqrib lagu qabtay magaalada Johannesburg gaar ahaan Markazka albayaan kulankii ducaada. Kulankaas oo ahaa kii sedexaad oo la qabto, ayaa waxaa looga hadlaayay horumarinta dacwada iyo katashiga arimaha dacwada quseeyo, kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dacwada gobolka Gauteng ee Johannesburg ka mid tahay ee albayaan, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayay locationada sidii dacwada loo gaarsiin lahaa.

Waxaa qur,aan ku furay Macalim Cabdi Wahaab oo ka mid ah ducaada firfircoon ee maagalada Johannesburg. Sheekh Maxamed Akhayaar oo ka mid ah ducaada magaalada Johannesburg ayaa si gaar ah uga hadlay taqwada allah iyo dacwada dadka in ay ku nool yihiin oo hadii dacwada ay dayacanto aduun iyo aakhiraba dadku ay dayacmaayaan.

no images were found

Intaas ka dib waxaa kalimadii lagu soo dhaweeyay Sheekh Maxamed Aadan C/lle oo ah madaxa dacwada albayaan ee gobolka Gauteng oo ka warbixiyay intii gudiga dhisnaa waxii u qabsoomay iyo mustaqbalka dhaw waxa ay damacsanyihiin in ay qabtaan hadii allah yiraahdo, waxaa uu sheekha si wayn ugu mahadceliyay allahii u suurtagliyay in qorshahoodii dacwo uu qabsoomo, ka dibna si gaar ah waxa uu ugu mahadceliayay ducaadii kulanka ka soo qayb gashay oo uu ku tilmaamay in ay yihiin hogaankii ummada si gaar ahna waxa uu sheekha uga codsaday in ay katala bixiyaan ducaada sidii bal dacwo dhamaystiran loogu gudan lahaa dadka ka shaqeeyo locationada oo u badan dhalinyaro, halkaas oo ah meel dacwo ahaan iyo nabadgalyo ahaanba ay ku dayacan yihiin dhalinyarada, waana meesha sida wayn soomalida ay dhaqaalaha uga helaan, marka uu intaa sheekha soo jeediyay ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaashii kulanka oo ahaa ducaada magaalada Johannesburg, waxaana ragii hadlay ka mid ahaa .

1-Sheekh Qorane
2-Sh c/raxmaan balaceey
3-Sheikh Cali Siciid
4-Macalim Ibraahim
5-Macalim saxane
6-Macalim Bishaar
7-Sheekh Maxamed akhayaar

Culumada iyo ducaada ayaa dhamaantood si isku mid ah u tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin horumarka ay samaysay dacwada iyo tashiga joogtada ay gudiga dacwada la leeyihiin ducaada magaalada, waxayna aad u soo dhaweeyeen kulamada noocaan oo kale in la badiyo lana joogteeyo, waxayna si gaar ah ay  fikirkooda uga dhiibteen sidii dacwada loo gaarsiin lahaa locationada, islamarkaasna dhalinyarada joogta locationada looga badbaadin lahaa halista ay kala kulmaan dadka ay kula nool yihiin locationada, iyo sidii suurtagal u noqon lahayd in dadkaas muslimka aan ahayn ee degan tuulooyinkaas in la gaarsiiyo ayaga laftiigooda diinta islaamka taas oo ay xaq noogu leeyihiin, waxaana lagu soo koobi karaa hadaladoodii 5taan qodob oo kala ahaa

1-In jowlo dacwi ah lagu qaado locationada oo gudiga dacwada ay hor kacayaan, ayagoo sheegay ragii mesha ka hadlay in ay ayagana diyaar yihiin

2-In la bilaabo sidii masaajido yaryar loogu samayn lahaa soomaalida ku dhaqan locationada si halkaas ay ugu cibaadaystaan, laguna booqdo si joogto ayadoo lagu towjiihinaayo mowlacyadaas.

3- In laga tashto sidii shirkado amni ah loogu samayn lahaa locationada oo ah halka ay ka dhacaan dilalka iyo dhaca soomaalida dalkan loogu gaysto, taas oo wax wayn ka tarayso badbaadada dadka soomaalida hantidooda iyo naftoodaba

4- In wacyi gelin wayn loo sameeyo dhalinyarada joogto locationada si aysan si fudud uusan uga dhicin ficil keeni kara marka danbe in la boobo hantidooda ama ayagiiba la dhibaataayo

5- In kulan lala yeesho milkiilayaasha dukaamada ku yaalo locationka oo badankood ku sugan maagaalooyinka gaar ahaan magaalada johannesburg si ay qayb uga noqdaan badbaadinta dhalinyarada shaqaalaha u ah dacwo ahaan iyo nolol ahaanba, iyo qodobo kale oo muhim ah.

Ugu dabaystii waxay balanqadeen gudiga dacwada in ay talooyinkaas ay u bedeli doonaan waxqabad iyo in ay la kaashan doonaan bulshada soomalida ee ku dhaqan dalkan in ay fusho soojeedintaas muhimka ah, waxaana lagu balamay in waxaas oo howl ah la qabto insha allah inta ka horeeyso ramadaanka

Waxaa Kulanka xiriirinaayay Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka tirsan gudiga dacwada ahna mas,uulka dhalinyarada, waxaana goobta joogay 1-Sheikh Axmed dheere xoghayaha guud ee albayaan ahna ku simaha amiirka albayaan Sheekh Xasan Guure .
2-Sheekh Qorane oo ah xubin ka tirsan golaha sare ee Al-bayaan
3-Sheekh Qaasim Cabdi Hayaan.
4-Macalim Cali Ibraamim Cali
Waxaa kaloo kulanka ka soo qaybgalay ducaad isugu jirta, macalimiin, ganacsato, odayaal, ducaad duruusta aqriso, iyo rag shaqaale ah, iyo rag dukaamo ku leh locationada, waxaana kulankaas uu ku soo gabagaboobay jawi aad u fiican oo loo wada riyaaqay

Waxaa Diyaariyey

Maxamed Aden Cabdulle
Madax Dacwada Al-Bayaan
Ee Gobalka GautenG
JOHANNESBURG

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online