Mutamarkii 21aad ee Wadamada Skandinevia Ee lagu qabtay Göterborg oo la soo Afmeeray (Masawiro)

June 30, 2013 - Written by Editor

SONY DSCGöterborg:-Waxaa galabata lagu soo Afmeeray magaalada  Göterborg  ee dalka Sweden Mutamarkii 21aad ee Skandinevia oo sanad walbo lagu qabto dalka Sweden waxaana ka soo qeybgalay dadweyne tiro badan oo ka kala yimid wadamada Denmark,Sweden ,Norway ,Finland iyo wado kale.

Mutmarka Sabadkan ayaa waxaa Cinwaan looga dhigay تصحيح مسار الأمةwaxaana sanadkan ka soo qeyb galay culumada kala ah .

1-Sheekh Maxamed Idiris
2-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
3-Shekh Mustafe Xaji Ismail
4-Sheekh Ahemd Daahir Aweys
5-Sheekh Cali Maxamed Saalax
6-Sheekh Yuusuf Ahmed
7-Sheekh C/raxmaan Abyad
8-Sheekh Maxamed Cali Mowliid

Sanadkan ayaa waxaa Mutamarka 21aad laga jeediyey Muxaadaraad iyo Towjiihaad aad u soo jiitay dadweynihii faraha badnaa ee ka soo qeybgalay waxaana ka mid ahaa muxaadaraadkii laga jeediyey

1-Iska Ilaalinta Caqiidada Khaldan
2-Axkaamta gowraca
3-Shirqoolka Saamiri
4-Ilaalinta Midnimada Umada
5-Mucaamalaadka Muslimiinta iyo Gaalada
6-Wiilkeygoow Saalada Oog
7-Qeyb ka Mid ah Haweenkii Suubanaa
8-Xalinta Dhibaatooyinka Dhalinyarada

Waxaa sidoo kale aan meesha ka maqneynay Fataawooyin iyo Su,aalo ay ka jawaabeen Culumada ka soo qeybgashay Mutamarka

no images were found

Waxaa gabagabadii Mutamarka Kalimada Dardaaran iyo waano ah ku khatimay Culumada iyo Odayaasha iyo qaar ka mid ah Maamulka Masjidka Al-Suna oo sanadkan lagu qabtay Mutamarka 21aad ee wadamada Skandinevia 2013 iyaga oo ku booriyey dadweynihii ka soo qeyb galay Mutamarka in lagu faro adeygo diinta Islaamka  dacwada iyo Kheyrkana la sii dardargaliyo.

Waxaa sidoo kale si Live ah aduunka dacaladiisa lagala socday Mutamarka Mareegaha kala ah Halgan.net.Fatxusalaam,Mutamar.net iyo qolka Paktalka ee Somali Islamic Al-Taqwa Network.

Waxaa sidoo kale qeyb weyn ka qaatay duubista iyo Qurxinta Mutamarka Walaalaha SomaliMedia oo sanad walba u taagan in ay khayrkan ka qeybqaataan Faafiyaana.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Masawirada tiro badan ee  Mutamarka hadii alle idmo

Halgan.net
Göterborg

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online