Sh.Xassan Daahir Aweys oo la xiray iyo wafdigii keenay Muqdisho oo la jir dilay

June 30, 2013 - Written by Editor

10Muqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys xalay ay xoog ku ka xaysteen ciidanka  nabadsugida dowllada Federaalka Soomaaliya ka dib muran xooggan oo dhexmaray odayaashii iyo waxgaradkii kale ee Sh Xassan Daahir Aweys ka soo ka xeeyey degmada Cadaado. Wafdigii ka soo kaxeeyey Sh Xassan Daahir Aweys ayaa muran ka dib waxaa jir dil u geystay ciidanka nabadsugid ka dib markii ay dhamaan geeyeen  xaruntooda, masuuliyiinta la hadlay saxaafada ee la jir dilay ayaa waxaa ay iskugu jiraan odayaal dhaqanka , siyaasiyiin ,iyo Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Ciidanka nabad sugida ee loo yaqaan Alpha Group ayaa la xaqiijinayaa  in ay xireen Sh Xassan Daahir Aweys iyo Gen. Subxaanyo iyadoo dadka la jir dilay ay ka mid yihiin  Nabadoon Axmed Diiriye, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade , Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha DFS Sheekh C/qaadir Cali Cumar , Ugaaska beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir

Nabadoon Axmed Diiriye, Ugaas Cabdi Daahir oo ah ugaaska beesha Cayr, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo la hadlay saxaafad ayaa xaqiijiyey in la jir dilay dowlladana ay balantii ay la gashay ay ka baxday, waxaan isagana aan weli war laga hayn  Sh Cabdulqaadir Cali Cumar oo la sheegayo in dhaawacyo loo geystay.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed  iyo Wasiirka Gaashaan dhiga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Fiqi ayaa la sheegayaa in markii Sh Xassan Daahir la keenay Garoonka Aadan Cadde ay ku dalbadeen ciidamo ka dibna ay u sheegeen wafdigii keenay Sh Xassan Daahir Aweys la xirayo taas oo buuq dhalisay.

Afduubka iyo xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys  ayaa waxaa ka soo baxaya warar kale duwan iyadoo  wararku sheegayaan in Sh Xassan lagu xiray  Xerada Xalane wallow warar kalena ay sheegayaan in uu weli ku xiran yahay xarunta Nabadsugida.


A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online