Sh Xassan Daahir Aweys oo loo duuliyey magaalada Muqdisho

June 29, 2013 - Written by Editor

DSC03196Cadaado:-War dhawaan soo gaaray  warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys loo duuliyey magaalada Muqdisho.Sh Xassan Daahir Aweys ayaa la sheegayaa in maamulka Ximin iyo Xeeb, iyo odayaal dhaqan oo ay isku beel yihiin  ay ku qanciyeen  in uu aado magaalada Muqdisho si uu wada hadal ula galo Dowllada Federaalka ee Soomaaliya taas oo uu Shiikhu ka caga jiidayey dhowr cisho.

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa shirar uu la qaatay saaka odayaasha dhaqanka iyo maamulka Ximin iyo Xeeb dhowr jeer la isku afgaran waayey sababta oo ah Sh Xassan Daahir Aweys oo weli ku adkeysanaya in uusan aadayn Muqdisho balse meeshii kale oo loo soo jeediyo laga wada hadli karo.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa u sheegay Sh Xassan Daahir Aweys  in aysan amaankiisa qaadi karin iyagoo arrinkaas  ka talo geliyey odayaasha dhaqanka beesha uu Sh Xassan Daahir Aweys ka soo jeedo. Ilo wareed aad ugu dhow Sh Xassan Daahir Aweys ayaa u xaqiijiyey Halgan.net  in saacadaha soo socda wafdi uu la socdo Sh Xassan Daahir Aweys ay soo gaari doonaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online