Wararkii ugu danbeeyey ee Sh Xassan Daahir Aweys[Masawiro]

June 29, 2013 - Written by Editor

9Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Sh.Xassan Daahir Aweys oo galabta laga soo duuliyey degmada Cadaado uu weli ku sugan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan loo diiday saxaafada in ay goob joog ka ahaato imaanshaha Sheekh Xassan Daahir Aweys ee magaalada Muqdisho.

Galabta markii uu Sh Xassan soo gaaray garoonka Aadan Caddae ayaa waxaa la sheegayaa in codsi ka yimid dhinac ciidanka nabadsugud ee Dowllada Federaalka Soomaaliya  ayna codsadeen in lagu wareejyo balse Masuuliyiinii Sh Xassan Daahir Aweys ka soo kaxeeyey degmada Cadaado ay ka biyo diideen.

Warar aan ilaa hadda xaqiiqdiisa la aqoon ayaa sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys  wada hadal dheer ka dib lagu wareejiyey wasiirka Arrimaha gudaha ee DFS iyo Taliyaha ciidanka nabadsugida  halka Hotel ku yaal magaalda Muqdisho la dejiye Madax weynaha maamulka Ximin iyo Xeeb  iyo wafdigii la socday ayana maalinta beri ah ay kulan wada qaadan doonaa Maamulka Ximin iyo Xeeb ,siyaasiyiin , Xildhibaano iyo Madaxda Dowllada federaalka Soomaliya iyadoo laga shiri doono wax laga yeelayo xaalka Sh Xassan Daahir Aweys.

no images were found

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa xaalkiisu tahay mid aan la saadaalin karin marka laga reebo wararka ay ku hadlayaan siyaasiyiinta ku howlna xaalka Shiikha, Sh Xassan Daahir ayaa waxaa garoonka ugu yimid Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS, siyaasiyiin Xildhibaano iyo waxgarad kale waxaan socda wada hadal aan ilaa hadda wax ka soo baxay aysan jirin.

Dowllada Federaalka ee Soomaaliya ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadal qaabka ay u maarayn doonto xaalka Sh Xassan Daahir Aweys , Dhinca kale ururka Al-shabaab  ayaan ilaa hadda ka hadal xaalka Sheekh Xassan Daahir Aweys ilaa intii uu si qarsoodi ah uga soo baxay degmada Baraawe.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online