Abu-Yasir Al-Maqdassi oo ka waramay qaabkii loo dilay Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan [Dhagayso]

August 11, 2013 - Written by Editor

alshabaab10Muqdisho:-Waxaa maanta lagu faafiyey mareegta Rasminews.com kalimad uu leeyahay Abuu-Yaasir Al-Maqdassi oo uu uga hadlay qaabkii loo dilay Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaani iyo Macalin Burhaan ,Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa waxaa uu wax aan jirin ka soo qaaday hadalkii uu jeediyey Cabdi casiis Abu Muscab oo ah afhayeenka dhinac howl galka ururka Al-shabaab oo shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in labad wadaad ay dhinteen markii ay diideen in ay isku dhiibaan ciidanka al-shabaab oo ay dagaalameen saasna ay ku dhinteen.

Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qaabka loo dilay Ibrahim Afgani iyo Macalin Burhaan isagoo sheegay in si bareer ah loo dilay labad wadaad oo iyaga oo hubeys nayn si dhagar ah loo dilay isagoo sii adkeeyey qoraal uu Abuu Yuusuf uu ku faafiyey bar Internet ah oo taageerta ururka Al-qaacid.

Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la banaysto beenta taas oo ah danbi weyn oo qofka muslimka ah aan lagu aqoon balse qofka muslinka ah ay ka dhici karaan danbiyadda kale oo ah dilka , dhac, iwm , Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa sheegay in ay yaqaaniin kuwa dilka fuliyey iyo kuwii soo abaabulay maalina maalmaha ka mid ahna ay Maxkamada soo taagi doonaa, Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay wax ku kalifay masuuliyiinta ururka Al-shabaab in ay ka been sheegaan qaabka ay u dileen Ibraahim Xaaji Jamac Miicaad iyo Macalin Burhaan.

Abu-Yasir Al-Maqdassi ayaa waxaa eedeyn dusha uu uga tuuray hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane isagoo ku eedeeyey in dhalinyaro iyo masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab uu xir xiray halka qaar kale oo badan ay ka carareen goobaha ay ka taliyaan ururka Al-shabaab iyagoo la baqaya nafsadooda.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Abu-Yasir Al-Maqdassi oo faahfaahsan

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/to1u1yua5a/habeenkii-shahaadada-culumada1.mp3] ama  Halkaan ka dhagayso 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online