Dilka Sh. C/qaadir Nuur Faarax muxuu kaga duwanaa dilkii Dr. Axmed Xaaji ?

February 19, 2014 - Written by Editor

laba_shiikhGaroowe:-Marka laga eego nooca dadka la dilay, sababta loo dilay iyo cidda dishay farqi u dhexeeya ma jiro laakiin waxaa jirey arrimo is biirsaday oo ka dhigay dilka Sh. C/qaadir mid ka saamayn badan dilkii Dr. Axmed, waxaana ka mid ahaa:

1. Xilliga la dilay Dr. Axmed waxay ahayd marxalad ay jaahwareersanyihiin dad badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah gaar ahaan deegaanka Puntland oo dilka Al-shabaab gaysto la saxnaa. Ninkii Dr. Axmed garanayeyna uu Al-shabaab ka leexinayey dilka ay gaysteen laakiin dilka Sh. C/qaadir Nuur Faarax wuxuu ku soo beegmay xilli dad weynuhu fahmeen xaqiiqada Al-shabaab.

2. Al-shabaab waxay dileen Dr. Axmed iyaga oo dowlad ah, dad badana khayr u filayaan ama mustaqbal wacan u filayaan laakiin xilliga ay Sh. C/qaadir dileen wuxuu ahaa waqti ay u jabeen diin ahaan, millatari ahaan iyo sumcad ahaanba.

3. Al-shabaab Dr. Axmed waxay dileen iyaga oo dad badani raacsan yahay, dad kalena aad uga baqayaan laakiin Sh. C/qaadir waxay dileen iyaga oo ummaddii ay aad u nacday, una nibcaatay, magaalada Sheekha ay ku dileena aan aad looga cabsanayn.

4. Dilka Dr. Axmed wuxuu markiiba suuqa ku galay “waa la dilay, lama yaqaan cidda dishay, PIS baa dishay iwm” , dadkuna xaqiiqada si aayar aayar ah bay u heleen ee markiiba horay kama ogaan laakiin dilka Sh. C/qaadir wuxuu dadweynaha ugu caddaa sida qorraxda oo aan caad saarnayn.

5. Al-shabaab iyo taageeryaashoodu waxay waqti fiican u heleen inay dilka Dr. Axmed Xaaji marinhabaabiyaan oo been-abuur iyo dicaayado badan falkiyaan, ayna adeegsadaan dad, qalab iyo tabo kala duwan laakiin dilka Sheekh. C/qaadir fursad noocaas ah uma helin.

6. Dr. Axmed waxay u dileen sidii caadada u ahaan jirtey ee ahayd inay qofka toogtaan markuu masjidka ka boxo ama ka baxayo laakiin Sh. C/qaadir tab cusub bay u isticmaaleen oo ah in masjidka lagu dhex dilo isaga oo salaadda ku jira, taas oo dad badan qaadan waa ku noqotay.

7. Dr. Axmed waxay dileen iyaga oo aan dad badani ka filayn laakiin Sh. C/qaadir Nuur Faarax waxay dileen iyaga oo laga aaminsanyahay inay yihiin cadowga diinta iyo ummadda.

8. Dr. Axmed waxay dileen xilli cagta iyo dhaqdhaqaaqa magaaladu yar yahay oo ahayd salaad subax ka dib laakiin Sh. C/qaadir waxay dileen xilli lasoo wada jeedo oo warku markiiba dadka wada gaarayo.

9. Sh. C/qaadir waxay dileen iyada oo bulshadu aanay wali ka biskoon xanuunka dilkii Dr. Axmed.

10. Dareen gaar ah buu lahaa dilka Sh. C/qaadir marka la eego da’diisa, caafimaad daradiisa iyo shaqada diinta ee uu ku gaboobay iyo sida Al-shabaab dilka ugu la bareereen. Raggayagii magaalada joogayna waxaa xanuun gaar ah nagu ahaa goobjoognimada dilka Sheekha gaar ahaan raggayagii ay Sheekha wada qadeeyeen oo markay kala tageen iyo marka la dilay ay u dhexaysay qiyaasta 40 daqiiqo.

11. Ugu dambayn markii ay dileen Dr. Axmed ma joogin magaalada laakiin meesha ay Sh. C/qaadir ku dileen hal km ka yar bay ii jirtey, mana sahlanayn inaan soo dul-istaago Sh. C/qaadir oo miskaxdiisii iyo dhiiggiisii gogosha masjidka ku quban yahay; waayo suxbo 1/4 qarni ka badan baa naga dhaxaysay, wuxuuna ka mid ahaa mashaa’ikhda aan ka faa’iidaystay cilmiga, xikmada iyo tajaarubtaba.

Ilaahay Sheekha Firdawsada sare haku abaalmariyo, inagana xaqqa ha inagu sugo, khaatimadana ha inoo suubiyo.

Waa socotaa ….

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online