Diyaarado Dagaal oo galabta Duqeeyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

February 2, 2015 - Written by Editor

DiyaaradKismaayo:-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in galabta ay Diyaarado Dagaal duqeyn ka geysteen Degaanka Yoontooy ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay Fariisimo ku lahaayeen  kooxda Al-Shabaab.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal ay dhowr Gantaal ku garaaceen Degaanka Degaanka Yoontooy ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ilaa haatan lama yaqaan Khasaaraha dhabta ee gaaray kooxda Al-Shabaab iyo dad shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Yoontooy.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubaland oo magaciis la yiraahdo Col.Mursal Geedi ayaa sheegay in Diyaarado ay leeyihiin ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaanada kala ah Yoontooy, Xaaji weyne iyo deegaano kale .

Ma aha Markii ugu horeysay ay ciidanka Kenya ay duqeymo ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya iyaga oo waxyeelo gaarsiiyey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online