Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

March 30, 2015 - Written by Editor

unnamedMuqdisho:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii Ururka Jaamacadda Carabta.

Intii uu socdey shirka ayaa Madaxweynaha waxaa uu kulammo miradhal ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ee ka soo qeybgashey shirka. Madaxweynaha ayaa shirkaasi ka jeediyey khudbad qiimo leh oo uu kaga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, iyo arrimo kale oo ka taagan dunida Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaanu ka ambabixin Sharm El Sheikh, waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Ismaacill Cumar Geelle, oo ay ka wada xadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si diiran ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, baarlamanka iyo ciidammada.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online