Madaxweynaha PL oo ka qeyb-galay xafladd loo dhigay arday ka qalinjabisay Jaamacada PSU.[Masawiro]

March 30, 2015 - Written by Editor

IMG_3390Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-3-2015 ka qayb-galay xafladd ay ku qalin-jebinayeen arday wax kabaratay Jaamacada PSU, waxaana ay ka koobnaayen ardaydaasi shan-qeybood oo tiradoodu dhantahay 105-arday, 76-wiil iyo 29-gabdhood.

Wasiirka Waxbarashada Dawladda Puntland Cali Xaaji Warsame, Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka jaamacadda PSU, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, masuuliyiin kala duwan iyo ardeyda Jaamacadda ayaa si farxadi ku dheehantahay uga soo qeyb-galay munaasibadda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda PSU oo uu sheegay inuu kala qayb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka waxbarsho ee ay wadaan si ay dalka iyo dadkaba ugaga faa’iideeyaan waxa ay barteen.
” Runtii waxaa farxad ii ah inaan ka soo qeyb-galo xafladd ah qelin-jebin isuguna jirta farxad iyo dhamaystir waxbarashada qeybteed, marka maalintaan taariikhiga ah ee nololshiina maalmaha ugu wanaagsan kamid ah inaan idinkala soo qeyb-galno aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayda qalin-jabisay maanta boqolkiiba todobaatan ( 70% ) ay yihiin arday shaqaysa, ardayda kale ee aan iyana haysan shaqada ayuu Madaxweynuhu u rajeeyey inay helaan shaqooyin wanaagsan si ay uga mira dhaliyaan waxbarashadooda.

” Ififaalo wanaagsan ayaanu hada leenahay, waxbadan ayaana hada iskabedalay kaabayaasha dhaqaalaha Puntland intii aanu joognay hanoqoto wadooyin, garoomo diyaaradeed iyo dekedaha, dhanka wax soo saarkana waan rajaynayaa inaanu u helno maalgashiyo caalami ah ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaad tusaale fiican u tihiin in badan oo kale oo Puntland joogta, reerkiina u tihiin Puntland iyo Soomaaliya oo idil ayaad u tihiin, taasaan rabaa inaan markale idinkugu hambalyeeyo ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Ardayda qalinjebisay ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay inaysa dalkooda ka tahriibin, waxana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda iimaansadaan ugana faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda aqoonta ay barteen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaadooyin, shahaado sharafyo iyo abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey dhammaan ardayda qalinjabisay, dhinaca kale maamulka jaamacadda iyo ardayda jaamacada ayaa waxaa ay bilad sharaf gudoonsiiyeen Madaxweynaha taas oo uu ku mutaystay dedaalka iyo horumarka balaaran ee uu Puntland gaarsiiyey mudadii yarayd ee uu hogaanka dalka hayey.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online