Tababar cilmiyeed oo loo qabtay Ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al-Casqalaani ee Bosaaso.[Masawiro]

March 31, 2015 - Written by Editor

IMG_93011Boosaaso:-Tababarkan oo maalintii jimcada ahayd ka dhacay holka shirarka ee FTMS aya loo qabtay ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al- casqalaani ee Bosaaso oo iskugu jiray rag iyo dumar aad u tira badan. Dowradan oo maantay ka dhacday magaalada Boosaaso , gaar ahaan hoolka shirarka ee FTMS ayaa waxa isku soo duba riday dallada ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al- casqalaani , iyadoo ula jedka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ardayda ducaad ah ee ka baxday Machadka Ibnu xajar ee magaalada Bosaaso.

Ugu horayn waxa furay tababarka gudoomiye ku xigeenka dallada ardayda ka baxday machad ka ibnu xajar Cabdiqani Adam Cumar isagoo faah faahin ka bixiyay dowradaan iyo ula jeedda ay dalladu ka leedahay. Wuxuuna tilmaamay in ay tahay sidii loo heli lahaa arday u tababaran hawsha dacwadeed ay hayaan ,si loo gaaro guul dhinaca dacwada ah.

Intaa ka dib waxa furmay tababarkii, iyadoo maantay galinkii hore la qaatay labadii cashir ee ugu horaysay dowradaan, oo kala ahaa:-

الصحوة الإسلامية فى الصومال . 1
شيخ فارح محمد عجب
العمل الجماعى .2
شيخ عبد الشافى أحمد على
Isla galinkii danbe ee manta aya waxaa dhacday muxaadaradii sedexaad ee dowrada oo cinwaankeedu ahaa:-

القراءة المثمرة . 3
الشيخ محمد فاهية

Waxaa galabtay isna madasha kalmad aad u qiima badan so jediyay gudoomiyaha dallada ardayda ka baxday maacahida shareecada ee somaaliya ustaad Abdirahman Xasan Diiko. Ugu danbayntii ayaa waxaa tababar cilmiyeedkan soo xiray gudoomiye ku xigeenka mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ustaad Ciise Siciid Maxamed, isagoona aad ugu dheeraaday baahida loo qabo in tababaro noocan oo kale ah la siiyo dhamaan ardayda ka baxday machadka iyo ducaada magalada Bosaaso.

no images were found

Mu’asasada Al minhaaj ee dacwada
iyo hormarinta ee Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online