W. ku-xigeenka W. Maaliyadda oo Addis-Ababa uga qayb galay Shirkii 8-aad ee Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Afrika

March 31, 2015 - Written by Editor

Xayir 3Addis Ababa:-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa uga qayb galay maagaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya shir ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyada iyo dhaqaalaha wadamada Afrika, shirkaas ayaa sannadkan waxaa looga hadlayey sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha wadamada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa si wada jir ah u so wada agaasimey Ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Itoobiya iyo Gudiga Dhaqaalaha Africa (Economic Commission of Africa).

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hialmariam Deslegn, Madaxweynaha Dalka Ruwaanda Pual Kagame, iyo Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Haweeynayda Nkasazana Dlamini Zuma.

Waxaa sidoo kale shirka kelmada ka soo jeediyey Wasiirada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalalka Afrika, iyadoo diiradda la saaray sida Afrika ku gaari karto hiigsiga 2063 oo lagu dejiyey shirkii ururka Afirka ee sanadii 2014 ka dhacay dalka Itoobiya.

no images were found

Shirkaan ayaa waxaa laf dhabar u ah koboca dhaqaalaha Afrika iyo weliba horumarinta dalalka Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in dalalka Africa uu dhaqaalahoodu aad u sii kobcayo sanadahaan danbe, ayna jiraan maalgashiyo ku soo badanaya qaarada.

—DHAMAAD—
Axmed Nuur Maxamed
Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online