Waxqabadkii Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Garoowe (Masawiro)
March 27, 2015 - Written by Editor
Garoowe:-Waxaa maantay hoolka jaamacada bariga afrika lagu qabtay Xaflad siwanaagsan loo soo agaasimay xafladaan oo lagu soo bandhigayay waxqabadkii golaha fulinta Mu,asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Mudadii halka sano ahayd ee ay Xilka hayeen.
Waxaa xaflada kasoo qayb galay Mas’uuliyiin kaladuwan waxaana kamid ahaa Gudoom,iyaha baarlamaanka Puntland/Wasiiro / Maamulka guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj/Isimada dhaqanka /Culima udiin/Golaha Wadatashiga Al Minhaaj Garowe/Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Duqa Magaalada Garowe.
Waxaana goobta lagu soo bandhigay Muuqaal k atarjumaya waxqabadkii Sanadkii 2014/2015 Ee Mu’asasadu ku tilaabsatay Muuqaalkaan oo ahaa mid soo jiitay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay xafladda .
Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashay Xaflada ayaa amaanay waxqabadka Ay muujiyeen Maamulkii hogaanka soo hayay Mudadii Halka sano ahayd waxaana Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh C/Naasir Guureeye Gaarshe uu bulshada u xaqiijiyay in golaha fulinta ay qabteen shaqaas iyo Mid ka siibadan waxaana uu ku dhawaaqay ka dib markay arkeen howlaha qiimiga badan Ee ay gaartay Al-Minhaaj Nugaal ay dhankooda kawada tashi ahaan go’aan sadeen in Mudo Halsano ah Xilka loo gordhiyo maamulkii hore Ee golaha Fulinta .
Gudoomiyaha guud ee Al-Minhaaj Ayaa isna dhankiisa amaanay waxqabadkii ay ku tilaabsatay Al-Minhaaj Nugaal waxaana uu shahaado sharaf uu gudoon siiyay labada gole ka dib u balan qaaday in ay sanadka soo socda Soo xajisiin Doonaan Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Garoowe.[nggallery id=535]
Ugu danbayntii waxaa Xaflada sooxiray Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire waxaana uu dhankiisa amaanay shaqadii iyo sidii wanaagsanayd ee ay bulshada Ugu soo khidmaysay Al-Minhaaj dowrkaas oo ah mid aan la inkiri karin waxaana uu Bulshada guud ahaan ugu baaqay in lagarab istaago islamarkaana lalashaqeeyo Mu’asasada Al-Minhaaj .
Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe
Halgan.net

.gif)

