1200 Soomaali ah Oo Ka Soo Cararay Dagaalada Yemen Oo Soo Gaaray Boosaaso (Masawiro)

April 26, 2015 - Written by Editor

IMG_9748Boosaaso:-Magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa maanta soo gaaray dooni sida qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalada ka holcaya dalka Yemen .

Doonida maanta soo gaartay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxay siday in ka badan 1200 oo qof kuwaas oo qaxooti ku ahaa am deganaa qaarkooda magaalooyinka waaweyn ee dalka Yemen .
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo caraay dagaalada ka socda dalka yemen ee saaka soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxay isigu jiraan   rag, dumar, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, waxaana ka muuqday diif iyo daal badan.

Maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, dhalinyaro, aqoonyahano, Isimo siyaasiyiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil, ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland hay’adaha deeqaha bixiya ee ka howlgala Boosaaso ayaa soo dhaweeyey 1200 qof ee nabada ku yimid Boosaaso.

no images were found

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootigan loo gudbin doono qof walba deegaanka uu ka yimid wuxuuna sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ee soo gaaray Boosaaso ay ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya iyo S/land .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online