Aqoonyahano iyo Ganacsato diray Qaylo dhaan Ballaadhan.[Masawiro]

April 25, 2015 - Written by Editor

IMG_0315Laascaanod:-Gudi ka kooban aqoonyahanada iyo ganacsatada shirkadaha waawayn ee magaalada Laascaaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa baaq qaylo dhaan ah u diray qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dal iyo dibadba. Baaqaan oo ahaa in si deg deg wax looga qabto wadada u dhaxaysa magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood oo bur bur lixaad leh uu ku yimid.

Wadadaani oo sanadkii ugu yaraani uu ka dhaco shilal aad u badan oo ay ku nafwaayaan dad aad u badan ayaa noqotay wado ay burburiyeen daadadka roobabka iyo duufaanada mar mar a socda roobaabka mahiigaanka ah .

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Proff C/Risaaq Lafoole , gudoomiyaha shirkada TELESOM ahna gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Sool C/Risaaq Axmed Warsame (dhabayaco) iyo maamulaha shirkadaha Dhahabshiil C/Qani Awdahir , gudoomiyaha Shirkada Daldhis En Maxamuud Maxamed Cabdi Dhamac iyo En Abdilahi Ismail Gaandi,oo ka mida Qurba Jooga wadanka Canada ayaa kormeer ay ku soo mareen wadada u dhaxaysa Laascaanood iyo Garoowe qiimayn ku soo sameeyeen burburka wadadan iyagoo soo qiimeeyey baahiyaha ay u bahan tahay wadadani , si wax looga qabtona baaq qayladhaan ah u mariyay warbaahinta.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen gudigani wadada u dhaxaysa Laasaanood iyo Garoowe ayey baaq u direen Jaaliyadaha dibada ,ganacsatada dalka, maamulada ka jira waqooyiga Somalia iyo dhamaan bulshada ku dhaqan deegaanada iyo cidii kale ee ka qayb qadan karta .

Gudigu waxay sheegeen in shilal ka ugu badan ee ka dhaca wadadani mar walba ay tahay laamigii oo bur bur lixaad leh ku yimid dil dilaac badan oo ka dhashay hareeraha wada, roobab ka oo Iyana ah kuwa ugu daran ee wadadani bur buriyay. Gudigani waxay sheegeen in wadada labadii dhinac (seed) ee laba gaadhi ku kala gudbi karaan ay midi meesha ka baxaday oo ay bur burtay.

En Abdilahi Ismaaciil Gaandi oo ka mida qurbajoogta u damqada dhibaatooyinka bulshadiisa haysta ayaa ku hawlanaa maal mahaan in wadooyinka deegaaada Sool iwm wax laga qabto inuu hawshani wax laga qabto sidoo kale daraasad ka waday wadadani ayaa sheegey in loo baahan yahay in bulshadu ay u kacdo si wax looga qabto wadadni .

Gudoomiyaha rugta ganacsatada gobolka Sool ayaa sheegey in markii ay indha indheeyeen kala kulmay niyad jab burburka wadadani.  Inaggu u jeedadayadu waxaa weeyey inaanu daraasad ballaadhan ku samayno wadadaani , si aanu u ogaano baahid iyo dayactirka ay u baahn tahay wadaddu , maadaama ay tahay wadadu wadadii ay soo marayeen waxyaabaha nolosha ay ku tiirsan tahay sida, Cuntooyinka sidda joogtada ah loo isticmaalo bulshaduna waa in ay u kacdaa dhismaha wadadani ayuu yidhi gudoomiye C/Risaq Dhabayaco.

Ugu danbayntii gudigani waxay sheegeen in cid walba oo ka qayb qaadaya hawshani ay u furan tahay wadadani ay u baahan tahay in si deg deg loogu gurmado dhismeheeda qaylo dhaana diray. Wadaddaan u dhexaysa Garoowe iyo Laascaanood oo qayb ka ah wadadii dheer ee ay samaysay dawladda Shiinaha dabayaaqadii qarnigii tegey (todobaatameeyadii) ayaa bur bur badani uu ku yimid ka dib wax ka badan 40 sano oo la isticmaaayey iyadoo ay boqolaal qof ku naf waayeen shilal badan oo xilliyadaa ka dhacay .

no images were found

En Mawliid Isma Haradigeed
Laacaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online