Ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiga Al-Muntada Qardho oo Xaflad Sagootin ah loo Qabtay (Masawiro).

April 29, 2015 - Written by Editor

IMG_4942Qardho:-Xafladan sagootinta ah ee loo qabtay ardayda fasalka afaraad ee dugsiga Al-Muntada Qardho ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka degmada maamulka waxbarshada gobolka , kan degmada xubno katirsanaa golihii hore ee wakiiladda Dawladda Puntland gudiga waalidiinta iskuulka ardayda macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ugu horayn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in iskuulka Al-muntada Qardho uu yahay iskuul loo baahanyahay inay ku daydaan dhamaan iskuulada ka jir Puntland waayo iskuulku waxaa lagu xasuustaa imtixaankii shahaadiga ahaa ee 2013-2014 kaas oo uu ahaa dugsiga ugu sareeya Puntland waxaa kaloo uu sheegay in dugsigan uu marwalba ka qaybqaato horumarinta iyo qaaraamada lagu horumariyo adeegyada asaasiga ah ee bulshada asagoo ka qayb qaatay buu yiri qaaraankii loogu gurmanayay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday deegaano hoostaga gobolka Karkaar iyo Nugaal sidoo kale gurmadka abaaraha ah ee gobolka karkaar.

Gudoonka waxbarashada gobolka karkaar Bashiir Axmed Galari ayaa sidoo kale ardayda form fourka ku booriyay inay ilaashadaan kalintoodii ay ku lahaayeen imtixaanada shahaadiga ah ee ay qaado wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo ahayd kaalinta kowaad sanadwalba, ardayda sanadkan dugsiga ka qalinjabinaysana kula dardaarmay inay marwalba kaalintooda ilaashadaan.

Pro. C.rashiir Siciid Ducaale oo ah maamulaha dugsiga iyo C.qaadir Yaasiin Maxamed oo ah xubin ka tirsan gudiga waalidiinta dugsiga oo halkaa ka hadlay ayaa xusay in dugsiga Al-muntada Qardho uu ka qaybgalay shan Imtixaan oo ah Imtixaanada shahaadiga ah wuxuuna 3 jeer uu ahaa dugsiga ugu sareeye dhamaan deegaanada Puntland marna waxa uu galay kaalinta labaad marna kaalinta lixaad sidaa daraadeed 56 ka arday oo sanadkan dugsiga imtixaanka shahaadiga u fariisanaya looga baahanyahay inay kaalintii dugsiga ilaaliyaan.

Qaar kamid ah ardayda form four ka oo xaflada ka hadlay ayaa sagootiyay maamulkooda iyo macalimiintooda mudada wax soo barayay waxayna ardada kale ee dugsiga kula dardaarmeen inay marwalba ahaadaan kuwo ka dambeeya maamulkooda iyo macalimiintooda.

Maamulka iskuulka ayaa gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino macalimiinta dugsiga taas oo lagu muujinayay waxqabadka macalimiinta iyo sida wanaagsan ee ay u gutaan waajibaadkooda.

no images were found

Gabagabadii xaflada waxaa lasoo bandhiga buug uu qoray mid kamid ah macalimiinta dugsiga Cismaan Awmuuse, Macalin Cismaan oo Halkaa ka hadlay ayaana sheegay in buugan uu yahay mid waafaqsan Manhajka wasaarada waxbarashada Puntland ee maadada Af-soomaaliga ayna ka faa’iidaysan karaan dhamaan ardada fasalka afaraad dugsiyada sare ee Puntland.

Dugsiga Al muntada oo ay sanadkan ka qalinjabinayaan 56 arday oo form four ah ayaa yoolkoodu yahay inay guul ka keenaan imtixaanada 2014-2015 ayadoo iskoolku uu muddo ahaa mid ay u astaysantahay ku guulaysashada kaalinta koowaad ee imtixaanka Puntland National Examination Bord.

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online