Biyo la’aantii ka jirtay Degmad Godob Jiraan ee Gobolka Nugaal oo la xaliyey.[Masawiro]

April 15, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-04-15-12h59m09s19Garoowe:-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiraty degmada Godob Jiraan biyo la,aan baahsan kadib markii uu ka cila doobay ceelbiyood ka jiray Degmada. Ceelbiyood kaan ayaa ah kuwa ugu waa weyn Gobolka Nugaal waxaana maalin walba ka dhaan san jiray in ka badan 21 booyadood kuwaas oo gaar siin jiray xoolalayda ka fog ceelka waxaana sidoo kale ka cabi jiray xoolo lagu qiyaasay 25,000 oo neef ka dib markii dadka ku dhaqan baladka iyo baadiyaha ay maqleen ciladaan ku timid ceelka ayaa sabab tay in la wada dareemo culays aad u weyn kaas oo saameeyay ilaa heer gobol.

Waxaase dadku ahaayeen kuwa aaminsan qadarta waxayna ku kalsoo naayeen Eebihii awalba waraabin jiray. Sidii dadka degan deegaanka Degmada Godob Jiraan caadada u ahayd waxaa lasameeyay roobdoon iyo duco lagu baryayo eebe weyne S.W Eebana waa ka aqbalay waxaana dadku heleen roob si wanaagsan loogu diirsaday oo dad iyo duunyo ka cabeen waxaase wali sii socotay dadaalkii loogu jiray samaynta ceelka .

Qaylo dhaan ka dib waxaa Degmada Godob Jiraan soo gaaray koox ka socotay Hay’adda Biyaha ee Baasaweyn waxayna maantay ay ku guulaysteen in ay xaliyaan Ciladii ku timid Ceelka walow ay khubaradii ka socanta Hayadda Biyaha ay ka dayrsheen Ceelka iyo mustaqbal kiisa waxayna ku taliyeen in si deg deg ah loo helo Ceel labaad maadaama uu ceelkaani qodnaa mudo ka badan 35 sano isla markaana yahay Mid Duqoobay.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Godob, Jiraan

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online